Xiisad ka dhalatay askar Sudan looga dilay xadka Itoobiya

Image
Taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa booqday goobta ay wax ka dhaceen.

KHARTUUM, Sudan - Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa booqday xadka dalkiisa uu la wadaago Itoobiya Isniintii, ka dib weerar lagu dilay lix askari, sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Booqashada Al-Burhaan ee aagga Al-Fashqa ayaa ku soo beegantay "si uu u eego askarta Suudaan iyo xaaladda xudduudda bari ee dalka," ayaa lagu yiri bogga wararka Suudaan.

Milatariga Suudaan oo todobaadkii hore ku eedeeyay dhigooda Itoobiya in ay "duulaanka gardarada ah kusoo qaadeen" ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin booqashada.

Ciidamada Suudaan ayaa Axaddii sheegay in lix askari looga dilay weerar ka dhacay deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashqa ee xuduudka la wadaago Itoobiya.

Sudan iyo Itoobiya oo leh xuduud dhererkeedu dhan yahay 1,600km (994-mile) ayaa dhawaan dib u soo cusboonaysiiyay khilaafkii ka taagnaa saddexagalka al-Fashqa, oo ah dhul xuduudeed dheer oo tobanaan sano ah oo aan lahayn wax calaamad ah.

Khartoum ayaa sheegtay Dec. 31, sanadkii lasoo dhaafay 2020 in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhulka Suudaan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Addis Ababa oo aan wali ka jawaabin eedeynta duulaankaas ayaa ku eedaysay milateriga Suudaan inay qabsadeen dhulka Itoobiya, sidoo kale sheegashada woqooyiga ay deriska yihiin ayaa beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM