Xiisad ka taagan dalka Sudan iyo Militeriga oo xaalad adag soo wajahday

Image

Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga kuxunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Axaddii shalay, ayaa Golaha milatariga waxey sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas,laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan.

Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxaya weli sii wada.

Weli macadda in dadka banaan baxayaa oo dalbanayay in milatarigu uu si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xukunka ku wareejiyo ay ku qanci doonaan dhawaqa ka soo yeeray milatariga iyo in kale.

Isutagga Xirfadleyda Sudan, oo baaqyada lagu doonayo xukumad rayid ah horsed ka ahaa ayaa shacabka dalkaasi ku booriyay inay isugu soo baxaan dibad baxyo dheeri ah ilaa inta dalabkooda laga aqbalayo.

Banaanbaxyo soo bilowday 19kii December ee sanadkii hore oo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-bashiir ayaa todobaadkii hore keenay in milatarigu uu soo farageliyo oo uu xukunka ka tuuro al-bashiir.

Laakiin miltariga ayaa sheegay in xukunka dalkaasi ay sii heyn doonaan muddo laba sano ah, taasoo weli ay inta badan shacabka Sudan ka soo horjeedaan.

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM