Xiisada Suudaan iyo Itoobiya oo cirka isku sii shareertay

Image
Khartuum iyo Addis Ababa ayaa mar kale waxay hawada isku mariyeen eedeyn iyo jawaab.

KHARTUUM, Suudaan – Dowladda Suudaan ayaa shaaca ka dhigtey inay ka hortagtay isku day “soo galitaan” ah oo ay ciidammada dalka Itoobiya ku sameeyeen qayb kamid ah waddankaas.

Madaxa milateriga Suudaan, Jeneraal Cabdifataax al-Burhaan, ayaa tibaaxay in tani ay muujineyso sida ciidanku u ilaalinayo dalka kadib isku-daygii afgembi ee toddobaadkii hore.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ay soo saartey xukuumadda Khartuum, isku-dayga "sharci darada ah" ayaa ka dhacay degmada Ummu Barakit.

Dhanka kale, milatariga Itoobiya ayaan illaa haatan wuxuusan ka jawaabin codsi ay u dirtay laanta dibada la hadasha ee BBC-da si ay uga falceliyaan eedeyntan.

Balse, telefishinka Al-Jazeera oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan dawladda Itoobiya ayaa wariyey: "Waxaan beeninaynaa in dhaqdhaqaaq ay ciidamadeenna ka sameeyeen xadka Suudaan ama gelitaanka aag kasta".

Degmada Ummu Barakit ayaa ku taala xudduudda al-Fashaga ee lagu muransan yahay, halkaas oo xiisad ka dhalatay. Tobannaan sano, dadka Itoobiyaanka ah ayaa halkaas ku beerayay dhul barwaaqo ah oo ay Suudaan sheegatay.

Xiriirka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya ayaa xumaaday markii Addis Ababa ay bilowday inay buuxiso biyo-xireenka weyn ee wabiga Niil iyo dagaalka ka qarxay waqooyiga gobolka Tigray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM