Xildhibaan loo xiray hadallo been ah oo u ku faafiyay baraha bulshada

Image

Alain Lobognanoo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar,kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray hadalo been abuur ah isla markaana rabshado abuuri kara .

Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankaan.

Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed .

Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay.

Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dalkaasi.

Lobognan ayaa muddo 10 cisho ah cuntada ka soomanaa, waxaa uu rumeysan yahay in eedeymaha loo heysta la siyaasadeeyay.

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM