Xiriirka Faransiiska iyo Morocco oo gaarey heerkii ugu hooseeyay

Image
Dalka dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika ayaa u yeertay safiirka u fadhiyay magaaladda Paris.

RABAT, Morocco - Marooko ayaa Jimcihii u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Faransiiska, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada ku taalla Waqooyiga qaaradda Afrika.

"Shaqo joojinta Mohamed Benchaaboun ee Paris waxay ku timid awaamiirta boqortooyada," ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Tallaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxay ku soo beegantay iyada oo ay xiisad ka dhex aloosantay Rabat, Midowga Yurub iyo waliba xukuumadda Paris.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu ansixiyay qaraar lagu dhaleeceynayo shuruudaha xorriyadda saxaafadda iyo hadalka ee Morocco.

Arbacadii, baarlamaanka Morocco ayaa ku dhawaaqay dhismaha guddi baarlamaani ah oo dib u qiimeyn ku sameeya xiriirka waddankooda kala dhaxeeya baarlamaanka Yurub.

Xiisadda u dhaxeysa Rabat iyo Paris, ayaa dhanka kale, waxaa sii hurinaya xayiraadaha fiisaha lagu soo rogay dadka Morocco, iyo hadal ku saabsan ka bixitaanka shirkadaha Faransiiska ee dalkan.

In kasta oo Rabat ay diiday xannibaadaha fiisaha Faransiiska oo uu ku tilmaamay "mid aan xaq ahayn," Paris waxay sheegtay inay si weyn u dhimi doonto tirada fiisaha ee soo booqda Morocco, Algeria, iyo Tunisia.

Xukuumadda Paris ayaa waxay ku andacoonaysaa in saddexda waddan - oo hore u gumaysan jiray Faransiiska - aysan samayn "shaqo ku filan" si ay wax uga qabtaan qaxootiga ku qulqulaya qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM