Xoogaga Azawad oo la wareegay magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Mali

Image

BAMAKO, Mali - Dhaq-dhaqaaqyada hubaysan ee Azawad ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen magaalo weyn oo ku taal gobolka Azawad ee waqooyiga Mali, sida lagu sheegay bayaanka uu soo saaray afhayeen u hadlay.

Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ay kooxdan ka fuleiyeen magaalada Bourem ee gobolka Gao ayaa ka dhashay inay qabsadaan fariisimo kala duwan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Mali iyo Wagner.

Madaxa dhaq-dhaqaaqyada hubaysan ee Azawad, Mohamed Mouloud Ramadan, ayaa ku celiyay baaqiisa ah in loo diyaargaroobo difaacidda dalka.

Shalay ayey ahayd markii Isbaheysi ka kooban kooxo hubeysan ay ku dhawaaqeen in ay isu diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen taliska milatariga ee talada haya ee dalka Mali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM