Xubno kamida golaha milatariga KMG ee Sudan oo ka degay Itoobiya

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xubno kamida ah Golaha Milatariga ku meel gaarka ah ee la wareegay talada wadanka Suudaan ayaa maanta oo Isniin ah gaarey caasimada dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.

Wafdigaan waxaa horkacayay Jalal al-Din al-Tayeb oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Suudaan.

Hirut Zemene, wasiiru dowlaha arrimaha dibada Itoobiya, ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Jalal ayaa sheegay in socdaalkoodu daaran yahay xaqiijinta in ay doonayaan nabad iyo xasilooni.

Jalal ayaa intaasi raaciyay in Golahooda uu raadinayo taageero uu ka helo caalamka si ay uga mira dhaliyaan hadafkooda.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Afrika iyo IGAD ayuu ku tartarsiiyay in ay kaalin ka qaataan hir-gelinta riyadda shacabka Suudaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Itoobiya ayaa shaacisay in dalkeeda uu garab taagan yahay Golahaan, isla markaana uu kala shaqaynayo arrimahaasi.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Abiy Axmed, oo socdaalka wafdigaan kahor war soo saarey, ayaa ku booriyay Golaha iyo Shacabka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan in Suudaan ay ka dhalato dowlad dimoqraadi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM