Xubno laga saaray xisbiga ka arrimiya dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

Image

Kulan tan iyo 8dii Agoosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa sida uu sheegay guddoomiyahooda cusub oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaa lagu go'aamiyey in xisbiga laga saaro xubno lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka.

Shir jaraa'id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, ka dib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.

Talaabadaas ayuu ku tilmaamay inay tahay go'aan siyaasadeed oo xisbigu ka qaatay dadkaas oo wax laga saarayo rabshidihii horraantii bishan ka dhacay deegaanno ka tirsan DDSI.

Waxaa shirka la fadhiyey madaxweynaha cusub ee DDSI, Axmed Cabdi Maxamed iyo xubnaha xisbiga.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inay jirto talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, "kuwaasoo ay hay'adaha dambi baaristu gacanta ku hayaan".

Ma uusan sheegin magacyada xubnahaas laga saaray xisbiga.

Waxaa la filayaa in ay qaban qaabiyaan shirweyne ay isugu keeni doonaan "dadka deegaanka", laakinse ma aysan sheegin goorta uu dhici doono, halka uu ka dhici doono, iyo cidda ka qayb galaysa toona.

Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.

Wararku waxay sheegayaan in ayaguna ay ka arrinsanayaan sidii meel loogu yeeli lahaa rabshadihii dhacay iyo ciddii mas'uulka ka ahayd.

Wararka ayaguna naga soo gaaraya deegaannada is maamulka Soomaalida waxay sheegayaan in shirar waaweyn ay ka dhacayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga oo ah halka ay shirarka ugu badan ka socdaan, dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo meelo kale.

Shirarkaas ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada haatan socda, waxaana dib ugu soo laabanaya deegaannadaas dadkii markii hore uga cararay khilaafaadka siyaasadeed iyo mabaadii'da ay aaminsanaayeen daraadood.

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM