Yaa gadaal ka riixaya Shirqoolka lagu afgembinayo Mustafe Cagjar?

Image

JIGJIGA - Waxaa socda shirqool qarsoon, oo la doonayo in xukunka looga rido, oo lagu qasbo inuu xilka iska casilo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomalida Itoobiya, Mustafe Cagjar.

La-taliyaha xagga amniga iyo xuquuqul insaanka Madaxweyne Mustafe, oo lagu magacaabo Jamaal Diiriye ayaa sheegay inay saraakiil sare oo katirsan xisbiga haya talada DDSI ay ka shaqeynayaan sidii ay kusoo celin lahaayeen maamulkii hore ee Cabdi Illey.

Qorshahan xilka looga tuuraya Mustafe ayaa yimid kadib markii khilaaf siyaasadeed uu ka dhex qarxay xisbiga haya talada Somali People’s Democratic Party (SPDP), oo uu gudoomiye u yahay Axmed Shide.

Axmed Shide ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorshaha xilka looga qaadayo Mustafa Maxamed Cumar, oo xafiiska jooga mudo 6 bilood ah, sida uu sheegay Jamaal Diiriye.

Ma jirto illaa hadda mas'uul fahfaahin ka bixiyay waxa uu salka ku hayo khilaafka "SPDP", balse illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in xiisadda ay ka dhalatay go'aan uu Mustafa ku doonayo inuu isbedel ku sameeyo hab-dhismeedka Xisbiga.

Xisbiga waxaa ku awood badan xubno xulufo la ahaa Cabdi Illey, oo hadda xabsiga ku jira, isagoo loo haysto xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo kicinta rabshado qowmiyadaha u dhaxeeya.

Madaxa waaxda Isgaarsiinta DDSI, Guuleed Cali Kaahin, oo kahor yimid go'aanka Madaxweyne Mustafa ayaa xilka laga qaadey, sida ay sheegtay Jariiradda Addis Standard.

Inkastoo uu waqti gaaban xilka hayo, haddana Mustafa ayaa lagu amaaney inuu sameeyay wax-qabad muuqda, isagoo xiray xabsiga Jeel Ogaden oo ku caan-baxay jirdilka maxaabiista.

Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa ka digay cawaaqib xasilooni darro iyo jahwareer ka dhalan kara hadii la afgembiyo maamulka Mustafa, ee isbedelka ka socda Itoobiya la jaan-qaadey.

Ururka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqey in dadka Soomaalida ah loo madax-banneeyo ka tashiga aayahooda iyo maamulka gudaha, iyadoo ku booriyay xisbiga SPDP inuu xaliyo khilaafka gudahiisa ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM