Uganda oo ka fekereysa in ciidankeeda kala baxdo Somalia

Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa rumeysan in Soomaaliya uu hayo wax uu ku sifeeyay "AIDS siyaasadeed" isaga oo ku hanjabay in uu ciidamada dalkiisa ka saarayo howlgalka AMISOM.

Isaga oo la hadlaya Tv-ga reer France ee France 24, Museveni oo kamid ah saaxiibada dhow ee maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo ayaa tibaaxay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad iyo ciidamo shaqeynaya.

"Tani waxay lamid tahay marka jirku difaacii ka lumo sidda cudurka AIDS-ka taasoo ay noqotay siyaasadda Soomaaliya," ayuu yiri Museveni oo hoosta ka xariqay in uusan in ciidamo ajnabi ay ilaaliyaan waddankiisa.

Sida laga soo xigtay Museveni, dowladda Uganda ayaa dhowr jeer isku day in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya balse ay dhinacyo kale ka hortageen. Ma bixin tafaasiil ku saabsan darafyadda kale uu ka xusay.

Midowga Afrika ayuu carabka ku dhuftey in uu kala hadlayo haddii uu ciidamadda wadankiisa kasoo saarayo Soomaaliya. Howlgalka AMISOM wuxuu hadda wajahayaa hubanti la'aan maadaama waqtigiisu uu dhamaadey.

"Hadii ciidamadda Soomaaliya ay goor sii horeysay qaadan lahaayeen mas'uuliyadda ka saaran waddankooda Soomaaliya mar sii horeysay ayay ka bixi lahayd dhibaatooyinka," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Dhawaqa Museveni ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo Soomaaliya ay haatan wajahayso qalalaase ka dhashay kiiska haweenay ka tirsan hay'ada sirdoonka Ikraan Tahliil Faarax taasoo la waayey laba bilood kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM