Xulka kubada cagta Soomaaliya oo "yeeshay" tababare cusub

Image
Image
Image
Magacaabida ayaa kusoo hagaagaysa xilli uu "is-faham la'aan" ka dhex-jiro xiriirka cayaaraha qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in Hendrik Pieter de Jongh oo u dhashay dalka Holland uu noqon doono tababaraha xulka qaranka.

Sida laga soo xigtey Wikipedia, De Jongh oo lagu soo bandhigay shir jaraa'id oo ka dhacay Muqdisho ayaa soo maamulay kooxo ka dhisan wadamadda South Africa, Kenya iyo Hungary.

De Jongh oo fariin uu soo dhigay ciwaankiisa shaqisga ah ee Twiiter-ka ku muujiyey dareen farxadeed ayaa lagu waramay in uu soo ciyaaray tartan horyaal gudaha Netherlands.

Shaacinta ayaa kusoo hagaagtey xilli uu khilaaf ka dhex-jiro hogaanka sarre ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya. Is-qabqabsigan wuxuu horseeday in xiriirka uu noqdo laba garab iska soo horjeeda.

Cabdiqani Saciid Carab iyo Yuusuf Muxyadiin Axmed ayaa kala hogaaminaya labadda garab. Labadan nin wuxuu mid walba sheeganayaa in uu yahay xoghayaha guud ee hay'adda ugu sareysa kubada cagta dalka.

Isku duwaha Xulka Qaranka Soomaaliya, Jamaal Xaashi Tuure oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho saacado kadib bandhiga, ayaa naqdiyey magacaabida macalinka cusub una cuskadey latashi la'aan.

"Waa run in uu jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka sarre ee xiriirka. Laakiin ma ahan in arrimaha heerka qaran sidaan loo maareeyo. Waxaan ku baaqayaa in sharciga loo hogaan-samo," ayuu ka shanqariyey.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ka qeybgalaya is-reeb-reebka ciyaaraha qaramadda qaaradda Afrika waxaana ay la balansan tahay dalka Eswatini. Labada kulan ee kala baxa ah waxay dhacayaan 21-29 Maarso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM