FAALLO: Dagaalkii Muqdisho iyo Dhammaadka Riyadii Doorasho Hal Dhinac Ah

Image

FAALO | Dagaalkii ka dhacay Muqdisho maalintii shalay wuxuu u muuqdaa inuu soo afjaray himiladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahayd in dalka lagu hoggaamiyo hannaan doorasho oo aysan ku wada qanacsanayn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Muddo bilo ah waxaa jiray digniino ka imanayay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo ka digayay in aan la isku dayin hirgelinta hannaan siyaasadeed ama doorasho aan lagu dhisin wadatashi iyo heshiis qaran. Digniintaas waxaa saldhig u ahaa xaqiiqda ah in Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay hay’adaha dowladdu awood u leeyihiin inay ku maareeyaan khilaaf siyaasadeed oo weyn iyada oo aan loo baahnayn is-afgarad siyaasadeed.

Weerarkii lagu qaaday hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre wuxuu muujiyay xaqiiqo kale oo muddo dheer jirtay: in awood ciidan oo keliya aan lagu xallin karin murannada siyaasadeed ee Soomaaliya. Khayre ma ahayn siyaasi go’doonsan. Waa hoggaamiye leh taageero siyaasadeed, bulsho iyo mid amni oo ku sugan qaybo muhiim ah oo Muqdisho ku yaal.  Sidoo kale, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu saldhig siyaasadeed iyo bulsho ku leeyahay deegaanno muhiim ah oo caasimadda ah.

Labadan siyaasi iyo bulshooyinka ay ka soo jeedaan waxay awood u leeyihiin inay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee Muqdisho. Taasi waxay qayb ahaan sharraxaysaa sababta xubnaha kale ee mucaaradka aysan ugu degdegin tallaabooyin ka baxsan qaabkii hore oo ay markii hore u dhaqmi jireen. Waxa ay sugayaan sida xaaladdu isu beddesho iyo awoodda siyaasadeed ee ka dhalan karta iska horimaadka.

Khatar weyn ayaa haddana muuqata. Soomaaliya weli waa dal ay hay’adihiisu daciif yihiin marka loo eego dowlado badan oo kale. Marka khilaaf siyaasadeed isu beddelo iska horimaad hubaysan, mar walba waxaa jira halis ah in dagaalku yeesho wejiyo cusub oo ka baxsan ujeeddadii siyaasadeed ee bilowga ahayd. Taasi waa waxa ay ka digayeen dad badan oo xusuusan maalmahii madoobaa ee Muqdisho soo martay.

Waxaa sidoo kale muuqata in dhacdooyinkii shalay ay xaddideen ikhtiyaarradii siyaasadeed ee Villa Somalia. Haddii hadafku ahaa in xoog lagu jebiyo mucaaradka ama lagu qasbo inay aqbalaan hannaan doorasho oo aysan ku qanacsanayn, natiijada muuqata waxay noqotay mid ka duwan tii la filayay. Dagaalku wuxuu muujiyay in awoodda siyaasadeed ee dalka aysan ku urursanayn hal xarun ama hal koox oo keliya.

Sidaas darteed, jidka ugu macquulsan ee maanta u furan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey (Xasan Sheekh) ma aha sii wadista cadaadiska ciidan. Waa dib ugu noqoshada miiska wada-hadalka. Waa aqbalidda xaqiiqda ah in Soomaaliya lagu maamuli karo oo keliya heshiis siyaasadeed oo ballaaran. Waa in la isku raaco khariidad cad (roadmap) oo horseedaysa doorasho lagu wada qanacsan yahay, nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo hannaan dib u soo celin kara kalsoonidii luntay.

Dagaalkii shalay ilaa xalay socday wuxuu noqon karaa bilowga qalalaase cusub. Wuxuu sidoo kale noqon karaa cashar siyaasadeed oo horseeda wadahadal dhab ah. Doorashada maanta taalla hoggaanka Soomaaliya hortiisa ayaa go’aamin doonta labadaas jid midka uu dalku qaadayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

FAALLO: Dagaalkii Muqdisho iyo Dhammaadka Riyadii Doorasho Hal Dhinac Ah

Waxaa sidoo kale muuqata in dhacdooyinkii shalay ay xaddideen ikhtiyaarradii …

  • Faalada Warka

    04-06-2026

  • 06:32AM

Midnimada Soomaaliya iyo Siyaasadda Laba-Wajiilaha Ah

Waxaa xusid mudan in madax badan oo Soomaaliya soo maray, oo uu kamid…

  • Faalada Warka

    24-05-2026

  • 09:52PM