Dhaqan bariyow maku fiicneyd baaq hal go'aan ah?

Image
"Go’amada Isimada Bari iskana soo horjeeda ayaan rabaa inaan waxyar ka iraahdo".

BOOSAASO, Puntland - Xil ka qaadida Agasimaha PSF maaha mid inagu cusub horay ayay u dhacday xiligii Xukuumadii Farole oo AU Cismaan lagu Badalay Kornayl Cali Binge diidmada Cismaan markaas way jirtay, qaab shaqrciyadeed ayaana lagu xaliyay waana marka Magaca Agaasimaha loo bixiyay iyadoo laba Agaasime laba qeybood laga dhigay PIA iyo PSF wax dhaqan ah farageliyayna ma jirin dhaqanka maanta go’aamada gaarayana way joogeen.

Go’amada Isimada Bari iskana soo horjeeda ayaan rabaa inaan waxyar ka iraahdo.

Burburkii 1991 G.Waqoyi Bari waxay lahayeen isimo soo jireen taladana looga danbeeyo mana ahayn kuwo dhaqaale iyo Syaasad ahaan dhaqanka u isticmaala, waxaase faragelin ku sameeyay masuuliyiin leh dano Siyaasadee  iyagoo sameeyay dhaqan cusub si ay sicir barar ugu ridaan dhaqanka markaas jiray, waxayna taasi ka hirgashay Gobolada Bari iyadoo wax looga tirinayo Alaha u naxariistee Boqor Cabdulahi Boqor Muuse isagoo xiligaas ahaa Hormuudka Dhaqanka G Bari, sidoo kale waxaa iyana isimo cusubi ka samaymeen Gobolka Mudug oo arintaas loo tirinayay Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, Gobolka Nugaal dhaqanku waa dhaqnaa.

Shirkii SSDF Qardho1994 waqti dheer ka dib waxna qabsoomi waayeen waxaa  isimadii soo jireenka ahaa ee uu markaas Shir Gudoonka u ahaa Boqor Cabdulahi, Ugaas Yasiin, Beeldaaje Cabdulahi, Islaan Maxamed iyo Islaan Cabdule soo saareen in talada SSDF sii hayo R/Wasaare Cabdirisaq X. Xuseen iyadoo meesha laga Saaray Marxuumiinta markaas kursiga Jabhada isku haystay Jeneral Abshir iyo Kornayl Cabdulahi.

Maxaa laga bartay Isimadii la sameyeyay waxaa loo isticmaalay in lagu burburiyo go’aankii Isimada aan kor ku soo sheegnay waxaana iskugu yeeray Cabdulahi Yusuf si iskiis iskugu caano shubo Gudoomiye SSDF Maxamed Xaaji Adena la tartamay waqti habeenimo ah iyaguna ay saxiixa ugu duugaan wayna dhacday khilaafkii ay isimadaas abuureen waxay salka dhigatay in Cabdulahi Yusuf iyo xertiisii ku biiraan majliska Jeneral Caydiid iyo in Cabdirisaq X Xuseen diido in uu xilkaas khilafka wata uu qabto.

Aakhirkiina Isimadii waxay taladii ku soo cesheen Maxamed Abshir isaga iyo xertiisiina waxay ku biireen Madaxweyne Cali Mahdi. 

Xiligaa aan soo sheegay afar sano ka dib waxaa dhidibada loo taagay Puntlandta maanta, talo midaysan ayayna Isimadu ku dhiseen, iyadoo aan ognahay in jeneral Maxamed Abshir iyo Boqor Cabdulahi aysan ka mid noqon Dorashadaas waxaana jiray ku shubasho badan hadana guushii Madaxweyne Cabdulahi Yusuf wax carqalad ah kama aysan samayn.

Markii Labaad ee ay isimadii qaybsameen waxay ahayd 2021markii Cabdulahi Yusuf xiligiisii dhamaaday iyadoo isimadii soo jireenka ahaa ay dhaheen doorasho gal wuxuuna mar labaad istcmaalay Isimadii samayska ahaa waxayna u saxiixeen qoraal ay dhaheen weligaa noo jog, waxayna sababtay Dagaal Sokeeye iyo inuu qaadaco doorashadii Garowe loogu doortay Jamac Cali Jamac,

Hadaba arinka maanta taagan ee PSF 6 V 12 Isim waxay na soo xusuusinaysaa waxaan ka soo gudubnay 25 sano waxaan leeyahay isimada uu hogaaminayo Boqor Burhaan waxay ku degdegeen go,aan ka gaarida arinkaas iyo xukunka ay rideen waxaana Boqorka u furnayd inuu dhowr talaabo midkood qaato sida.

Boqorku inuu talada balaariyo isagoo wax ka siinaya dhaqanka 12 ah ee qoraalka ka soo daba saaray si ay u cayisho sheegashada Isimada Bari khilaaf dhaqanka Barina looga fogaado.

In Boqorku arinkaan u saaro Gudi Dhaqan kana kooban Puntland isaguna noqdo Marjacii loo noqonayay maadaama Hay’ada PSF ay tahay Hay’ad Puntland.

In wax kasta oo u dhaxeeya isaga Deni uu meel iska dhigo uuna si toos ula xiriiro Madaxweynaha maadaama uu kana codsado inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa ciidan arinkana isaga u daayo.

Iyo haduuba Boqorku ku adkaysanayo inuu isgau yahay kan u idman gelida howsha PSF isaga iyo dhaqanka kalaba aysan soo saarin go’aan saxiix leh ee ay soo saaraan Baaq sida dhaqanku yahay go’aan waxaa la soo saara marka talada qolyaha is haya kuu dhiibtaan ama waxa laysku hayo dhaqan yahay isla markaana Caaqiladu go’aan kaa gari waayeen,

Hadaba Degdegaasi wuxuu keenay dhaqankii Gobolka oo kala xarig furtay iyo go’aankii oo aan shaqayn iyo weliba in guluf colaadeed maanta Bosaaso ka dhex taagan yihiin idinkiina aad ku jirtaan.

Waxaan hubaal in heshiis dhaqanku ka madax baan yahay dhici doono Agasimuhuna xilka wareejin doono. oo laga horyimid.


Cabdiwali Xersi Nuur waa wasiir ku xigeen xukuumaddii Madaxweynihii Hore Puntland Farole.

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh: Qalalaase dastuur iyo "inqilaab aamusan"

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 15-ka May u dabaal-dagaya labo sano guurada markii dib loo doortey.

  • Fikradaha

    12-05-2024

  • 02:23PM

Ceyrintii UNOSOM iyo joojinta shaqada UNSOM: "Shalay maanta u ekaa"

Dagaalladii iyo barakicii dhacay 1990 – 1992 waxay dadka iyo dallka u horseedeen gaajo daran oo macluul isu rogtay.

  • Fikradaha

    11-05-2024

  • 06:22AM