Gartu Illaaheed bay taqaan: Si qof necbeysi fog iila darsa habka 1Q1C

Image
Dad qaar baan waxba hubsan oo iyagoo ul dhiig leh kuu jawaabaya. Anigu waxaan la hadlayaa aqoonyahanka gaar ahaan dhallinyarada.

GAROWE, Puntland - Waxaad jeclaan lahaa Soomaali oo dhan, gaar ahaan reer Puntland bay inay si caqli iyo aqoon ku jirto iila dareesaan dastuurka Puntland iyo nidaamka doorashada 1Q1C si caqli iyo cilmi ah ee xor ka ah qof jeclaysi iyo qof necbeysi. Gartu Illaaheed bay taqaan.

Qofkii waxgarad ah 1Q1C wuxuu ku doorsado ma jiraan, weliba hadduu siyaasadda Soomaaliya soo tijaabiyey oo xanuunkeeda arkey. Dad qaar baan waxba hubsan oo iyagoo ul dhiig leh kuu jawaabaya. Anigu waxaan la hadlayaa aqoonyahanka gaar ahaan dhallinyarada.

Waxaase muhiim ah in qofku garanayo sharciyadda hogaamiya doorashada oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo xeerka Ururada Siyaasadda. Markaas qofku wuxuu si xor ah u ogaanayaa meesha loo socdo iyo sidda lagu gaarayo meeshaas loo socdo.

Bal in yar maskaxdaada fur oo qoddobadaan si mowduuci ah u akhri:

1. Ogow Madaxweynaha Puntland & Ku-xigeenkiisa waxaa dooran kara oo kaliya Golaha Wakiiladda Puntland kaliya. Waa sida ku cad dastuurka Puntland(Qoddobka 56).

2. Ogow Golaha Wakiiladda PL inuu ahaanayo 66 qof illaa tirakoob sugan la sameynayo (Qoddobka 60), mana isla bexdelayo nidaamka xisbiyada badan haddii la qaato. Dadka loogu sheekaynayo waxba ma haysataan oo xildhibaan waxaad ku helaysaan 1Q1C ogaada waa waraabe-u-taag.

3. Ogow in ay been tahay dadka aan hadda wasiiro/xildhibaano haysan inay barnaamijka 1C1Q ay wax ku helayaan inta lagu dhaqmayo liiska xiran (PR Closed List) oo lagu soo dooranayo golayaash degaanka PL oo ay 3 xisbi ku adkaan doonaan. Golayaasha Deegaanka liiska xiran ee doorashada waxaa inta badan ku soo baxaya reeraha degmada ugu badan oo kaliya maadaama urur kasta oo liiska hore ku taxayo xubno ka soo jeeda beesha u badan degaanka si uu codad badanu helo. (Xeerka Ururada Puntland). Eeg 3dii degmo natiijada ka soo baxdey.

4. Ogaada tirada gobbol ama degmo kasta ka helayso barlamaanka Puntland waxaa la heli karaa oo kaliya marka tirakoob sugan la sameeyo sida ku cad (Qoddobka 44). Inta ka horeysa Golaha Wakiiladda wuxuu ahaanayaa 66 qof kaliya.

5. Xataa haddii 3-da xisbi mid aqlabiyad saaxiga ku guuleysto sida 60%, haddana Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waa loo tartamayaa, wuxuuna la hortagaa 66kii xildhibaan, sidee musuqii hore looga fakanayaa? Maxaa dadka si xalaal ah loogu warami waayey.

6. Si loo helo run ahaan doorasho 1Q1C oo xalaal ah goormaa lagu noqonayaa Dastuurka Puntland oo isaga wax laga bedelayaa si hanaan sax ah oo doorasho loo gaaro.

Bal arrimahaan ka talo bixiya


Cali Xaaji Warsame, Siyaasi & Wasiir Hore
Twitter: @alihwarsame
Gmail: jowjowle@gmail.com

Related Articles

Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 01:52AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM