Maxaa kala socotaa taariikhda Victory Day ee dagaalkii labaad ee Aduunka?

Image

Yurub iyo Mareykan waxay shalay u dabbaal-degeen sannad guuradii 75aad ee ka soo wareegatay guushii ay ku jebiyeen gulufkii Naasigii Jarmalka ee uu Adolf Hitler hoggaaminayey. Qoloba dabbaal-deggeedu ceyn buu ahaa. Ingiriiska waxey u dabbaal-degeyaan in ahaayeen kuwii jilibka aasay ee Hitler u baabac dhigay, kaddib markii uu Yurubtii kale soo qabsaday. Hal-kudhigga xilligaa wuxuu ahaa “Ha quusan hana niyad jebin” Hal-kudhiggaa ayey hadalkeeda shalay boqoradda Ingiriiska ku billawday.

Faransiisku waxey xusayeen iyagoo xusuusanaya farxaddii guusha, laakiin hoostana ka goconaya gunnimadii ka raacday jabkii iyo qabsigii Hitler ku sameeyey. Jarmalka waxey xuseen iyagoo ka qoomameynaya foolxumadii Naasiga iyo duulaankii Hitler.

Ruushka waxey xusayeen iyagoo ka badbaaday halistii Hitler, sababtoo ah in ka badan 20 milyan ayaa kaligood dagaalkaa kaga dhintay. Mareykan waxey xusayeen iyagoo ah guul wadayaashii gurmadka soo fidiyey.

Dagaalkii labaad ka dib dunida waxaa u bilawday weji cusub iyo dagaal hor leh. Huwantii Naasigii Jarmalka jebisay waxey u kala baxeen Galbeed iyo Bari, waxey kala dhisteen Naato iyo Waarso, waxay kala qaateen Shuuciyad iyo Raasumaaliyad, hannaan dimoqoraaddi ah iyo mid kali talis ah. Waxaa kalo hoggaaminayey Mareykan iyo Midowgii Soofiyeet.

Waxaa la yagleelay nidaam caalami ah oo cusub. Qarammada Midoobay iyo Golaheeda Ammaanka, Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta Aaduunka (IMF), Xilfiga NATO, Hay’adaha Xuquuq Insaanka Amnesty iyo Human Rights Watch.

Afrika, Eeshiya iyo laatiin Ameerika way ka faa’iideen dagaalka oo waxey ka baxeen gumaysigii, dhexdhexaadnimo ama dhinac la safad lagu dheellitirayo loolaankii labada dhinac u dhexeeya ayey ka mira gurteen.

Karoona Fayris kama culays yara dagaalkii labaad ee dunida. Markii la eego sida uu dhaqaalaha dunida u wiiqay, anfariirka, cabsida iyo walaaca uu sababay waxey dibadda soo dhigtay nuglaanta iyo nuxuuska nidaamka adduunka.

Maanta mar kale ayey lama huraan tahay in uu isbedel ku dhaco nidaamkii caalamiga ah ee 75 ka sano lagu soo mooday si xaaladda cusub loola jaanqaado, taasina kama marnaan doonto hanaan iyo hay’ado hor leh iyo loolan cusub oo ay Shiinaha iyo Maraykan kala hoggaaminayaan.

Dunida inteeda kale, la jaanqaadka xaaladda cusub waxay ku xirnaan doontaa hadba sida ay wacyi ugu leedahay xaaladda la galay, hoggaana ugu diyaarsato.


W/Q: Cabdiraxman Cabdishakuur - Gudoomiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir

Related Articles

Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 01:52AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM