Qaabka ugu fudud aad isaga caabin karto is-miidaamiye
Wacyi-galin amni
Habkan cusub ee ah in qof nool isqarxiyo wuu ka khatar badanyahay kii gaariga la isku qarxin jiray, maxaa yeelay fursadda inuu [bartilmaameedka] u dhawaado ayaa aad u sarraysa, in laga badbaadana waa ay adag tahay, hadaba sidee ayaa lagu yarayn karaa khatarta ka imaan karta qofka isqarxin raba?
1) Wacyi iyo feejignaan dheeri ah in loo yeesho dadka ku sugan goobta madaxdu joogto waa muhiim, loona fiirsado nafsiyadda qofka is qarxiyaha ah; inta badan waa wof welwelsan, neeftuuraya, dhididaya, indhaha ku taagaya hadafka. Calaamadahaas in lagu baraarugo waa muhiim xilli hore si loo baajiyo inuu isqarxiyo.
2) Labiska is qarxiyaha waa meelaha ugu fudud ee laga fahmi karo, maxaa yeelay inta badan waa inuu soo xirto jaakad iyo dhar culus oo uu ku qariyo SUUNKA qarxaya ee ugu xiran dhexda, sidoo kale waxaa laga dareemi karaa inuu dhexda ka buuranyahay ama culays ka saaranyahay.
3) Socodkiisa inuusan miisaanayn sababtuna ayt ahay culaysta SUUNKA qaraxa, gacamaha iyo feeraha inay kala sarrayn weyni ku dhexjirto (laafyo la’aan) Soomaalidu waa dad inay laafyoodaan oo gacmaha tuuraan ku caan ah qofka qaraxa xiran ma laafyoon karo!
4) Qofka qaraxa xiran inta badan ma dhagaysto warka iyo hadii lala hadlo wuxuuna ku mashquulsan yahay [bartilmaameedka] iyo sidii uu howshiisa u fulin lahaa, ma dhagaysto awaamiirta ciidanka sida istaag gacmaha kor u taag, fariiso IWM.
Marwalba wacyiga dadka inuu sarreeyo waa muhiim, isbadaladana lala socdo. Hadii la garto Qof qaraxa sida see loola dhaqmaa?
1) In xogtiisa degdeg la isku gaarsiiyo, madaxda laga fogeeyo iyo shacabka, gacamihiisa howlgab laga dhigo, loona diyaar noqdo sidii looga hortagi lahaa inuu qaraxa sameeyo.
2) In aan la ordin hadii qaraxa dhaco, in la seexdo dhulka, madaxa iyo qaarka horena laga duwo dhanka qaraxa kaa jiro, sidoo kale inaan loo soo cararin qaraxa illaa laga hubiyo inuusan qarax kale jirin. Aragagixsadu dhowr qarax ama is-qarxiye ayay diyaarin karaan ama qaraxyo remotes ah marka lagusoo aruuro goobta qaraxa ka dhacay.
3) Hadii aad tahay waardiye waa in indhahaagu aad furnaadaan oo dadka aadan hore u arki jirin ee xarunta ama guriga agagaarkiisa jooga aad ogaato waxa ay yihiin iyo sababta ay goobta u joogaan.
Allah naga badbaadiyo dhammaanteen. Marwalba wacyiga iyo feejignaanta waa muhiim.
Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, waa taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya [NISA]. Waa falanqeeye dhanka ammaanka iyo siyaasi kuna takhasusay baaritaanka DNA-ga