Soomaaliya: ‘Doorashada’ Puntland dib u milicso tii Kacaanka ee 1986

Image

Dawladdii Siyaad Barre waxay go’aan satay in doorasho la qabto taasoo ahayd doorasho hal dhinac ah oo codka la siinayay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) isla xoghayaha xisbigaasna waxaa ahaa Madaxweynihi talada hayey.

Somaalidu ma fahansanayn ujeedada laga lahaa doorashada sababtoo ah nin xoog military ku yimid oo Jamhado dagaal kula jiraan waa la ogaa inuusan doorasho qabanayn!

Kadib siyaabo kala duwan baa loo fasiray  waxaana laga sameeyey daraasado badan oo ka mid ahayd falcelin ka timid mashruucii IMF/WB.

Dawladda Kacaanka ee Siyaad Barre markii dagaal sokeeye, macaluul, shaqo la’aan badan iyo wax soosaarkii oo yaraaday waxay oggolaatay in hirgaliso barnaamijkii loo yiqiin Structural Adjustment Program (SAP) ee IMF/WB. Si loogu fasaxo deymaha iyo ku kabista miisaaniyada waxaa lagu kalifay inay fuliyaan dhowr arimood oo aad u culus oo aan laga filayn dawladda kacaanka. Si shacabka looga qariyo hoos u dhaca ku yimid waxwalba oo kacaanka macno yeeli jirey ayaa waxaa la bilaabay in lasoo saaro hal ku dhagyo ay ka midyihiin ‘laba kaclaynta kacaanka’, tirakoob, iyo doorasho in la qabanayo iwm.

Isla markiiba waxaa la bilaabay mashruucii tirinta iyo doorashada. Diiwaan gelinta  shacabka oo la lahaa doorasho baad galaysaan ayagoo fahmin baa si deg deg ah guri kasta loo tagay dadkiina labo siyaabood bay u fasirteen:

- [ ] Wax kororsi sida in lasoo celinaayo Fiilada (queue) oo raashinka daruuriga ah fiilo loo galo. Waa arin Dawladda Kacaanka ahayd horey u hirgalisay waxa loogu yeeri jiray “social Marxism”kadibna lagu fashilmay oo Waa la iska daayey.

- [ ] Shaki siyaasadeed ah in la rabo tirada wiilasha ee reer kasta si loo qafaasho (forced military service) ama la xiro xaafdaha mucaaradnimada lagu tuhmaayo.

Arinta diiwaan gelinta gurigeena waxaa loo fasirtay in wiilasha loo dan leeyahay waxaana lagu heshiiyey in la diiwaan geliyo gabdhaha kaliya. Halka reer dariskeena ah ay u fasirteen in fiiladii lasoo celinaayo oo wiilal iyo gabdho tiro badan ay diiwaan geliyeen si aysan u helaan kaararka raashin bixinta in ku filan.

Hadda diiwaan gelinta doorashada madaxtooyada Puntland ee ‘fad ama Ha fadin ah’ Waxaa loo fasirtay sidan:

Maadaama madaxweyne Deni uu kusoo fashilmay tartankii madaxweynanimada Federaalka Soomaaliya asagoo sida la sheegay laga ‘jeebsiibay’ lacag lagu qiyaasay $30-45 million. Oo ay u dheertahay boobkii uu ku qaatay Xildhibaanada Ku matala Puntland dhinaca Baarlamaanka Federaalka. Waxaa qabkiisu dhaafiyey inuu yiraahdo dhacdooyin foolxun baan sameeyey ee talo kale halagu fiiriyo Puntland ama uu iscasilo ma yeeline wuxuu istusay doorashadii kacaanka oo kale.

Marka si loo mashquuliyo shacabka Puntland oo aan loola xisaabtamin madaxweynaha iyo nidaamkiisa wuxuu bilaabay boor isku qaris iyo doorasho la ogyahay ujeedada laga leeyahay tahay Allow mar imooti!

Ma wuxuu moogyahay in ururka KAAH uusan ahayn xisbigii Kacaanka, nidaamka Puntland ahayn xukunkii kacaanka ee Siyaad Barre.

Nidaamka Puntland ee Deni ku yimid waa haykal ku dhisan dhinacyo badan sida sareynta sharciga, ilaalinta Diinta iyo dhaqanka.

Deni asagoo boorso wata oo hotel kira ah kaga jira Garowe ayaa nidaamkaas lagu doortay. Waa nidaam aan qof kaligiis maquunin karin oo dhowaan 25 sanno jirsanaya.

Damaca iyo danta Deni waxay ku egtahay bisha oktober 31da 2023. Qofkii inta ka horeysa kula shaqaysanaya jeebsiibad xirfadaysan oo dulmin qofkale asaga iyo Allahiis. Laakiinse qofkii dambi u gala, oo qof reer Puntland ah Ku dhibaateeya damaca fooshaxun ee Deni Waxaa ku sugaya isla xisaabtan iyo ciqaab u dhiganta dambiga aad kas cad u sameyso adigoo og in madaxtinimada Deni dhamaad tahay.

Waxaa arrinxumada nidaamka doorashada u dheer in ciyaal social media uu kireystay oo si joogta ah afxumo iyo cay laga soo diyaarshay madaxtooyada Puntland oo loogu gafo mas’uuliyiinta, isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan Deni.

Deni Waa ogyahay in lagula xisaabtami doono dhamaan xadgudubyada iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee uu ka sameeyey Puntland sida Garowe Aqalka wakiilada, Boosaaso, iyo Gaalkacyo.

Doorashadii iyo tirakoobkii 1986 lagama aqoonsan Soomaaliya iyo beesha caalamka sidoo kale midda hadda madaxtooyada Puntland wado meelna lagama aqoonsan doono

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa “Luqun dheeraatay madax ma dhaafto” Puntland Janaayo 8da waxay yeelanaysaa madaxweyne cusub.


W/Q : Mudane Cabdisaciid Muuse Cali KoorWasiirkii Arimaha Dibadda ee DFS

Related Articles

Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 01:52AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM