Warsame: Siyaasada kooxda Farmaajo kuma dhisna wadahadal

Image
Musharaxa madaxwayne ayaa uga digay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta in aan "lagu sirin" waanwaanta la xiriirta kiiska Ikraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Toddobaadkii hore ayaa nin ku dhow Rooble wuxuu igu yiri ‘Farmaajo wuxuu oggolaaday in bashiir Goobe uu ahaado taliyaha Nabadsugidda, xaalkuna waa degganyahay’. Waxaan ku iri maba aqaanno Farmaajo hadduu sidaas yeelo.

Subixii NISA ayuu ku sime u magacaabay. Ninkii odayga ahaa waa igu soo laabtay, wuxuuna i waydiiyey in aan xog ka hayey arrinka iyo in kale.

Waxaan ku iri xog ma haynin, laakiin waxaan aqaan dhaqanka kooxda Farmaajo. Sow maaha kuwii dalka afartii sano iyo 7 bilood ee tagtay ku soo dhaqayey siyaasadda ku dhisan xasaradda, dhiillada, awood sheegashadka iyo dagaalka, hal hayskeeduna ahaa  “Waa In la kala adkaado”, dadkana u qaybiyey waddani iyo khaa’inul waddan.

Goormay oggolaadeen siyaasadda wada hadalka, is qancinta, isku tanaasulka, iyo dad isku wadka?.

Waxaan ku iri wadahadalka maanta la sheegayana ma aha dhab, keliya waxay doonayaan in ay iska dhigaan rag wada hadal ogol oo tanaasulaya.

Waxay kaloo rabaan in la hakiyo xawaaraha uu Raysalwasaaruhu ku wado caddaalad u raadinta kiiska Ikraan, meelmarinta isbeddelka uu NISA ku sameeyey, in uu amniga si buuxda gacanta ugu dhigo, gabbaadkana u diido eedaysanayaasha loo haysto kiiska Ikraan.

Waxaan ku iri RW waqtiga ha ka luminina, hawshiisana ha ka mashquulinana. Mararka qaarkood adigoo niyad fiican ayaa farsamo iyo taaktiko lagugu dili karaa, dad aadan iska jirinna ku hoosaasin karaan. Faham iyo Feejignaan ayaa loo baahan yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh: Qalalaase dastuur iyo "inqilaab aamusan"

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 15-ka May u dabaal-dagaya labo sano guurada markii dib loo doortey.

  • Fikradaha

    12-05-2024

  • 02:23PM

Ceyrintii UNOSOM iyo joojinta shaqada UNSOM: "Shalay maanta u ekaa"

Dagaalladii iyo barakicii dhacay 1990 – 1992 waxay dadka iyo dallka u horseedeen gaajo daran oo macluul isu rogtay.

  • Fikradaha

    11-05-2024

  • 06:22AM