FAALO: Galmudug oo foollanaysa olole doorasho uu dhiig ku daadan karo

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa kusoo bandhigaya afar qodob aa du baahan tahay in aad ka ogaato baratankan.

DHUUSOMAREEB, Galmudug – Si ka duwan maamul goboleedyadda kale ee dalka, Galmudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garow ku wajahan doorashadda madaxtinimada ee loo balansan yahay in ay qabsoonto bilaha soo aadan.

Abaabulka ayaa illaa haatan waxa uu ka soconayaa dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga halkaas oo siyaasiyiinta uu damaca uga jiro kursiga ugu sareeya maamulka ay ka wadaa isku-dabaridka qorshe ay isbedel doon ah. 

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa warbixintan waxa uu kusoo bandhigayaa afar qodob oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato xusul-duubka loogu jiro ka takhalusida madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye [QoorQoor] iyo qorsha is-difaaciisa.

Kaalinta Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay door xooggan ku yeelan doonto doorashadda iyadda oo la kala safan ku dhowaad labo murashax, inta illaa haatan la xaqiijiyey. Tartemayaashan ayaa si gaar ah ugu dhow Xasan Sheekh.

Mahad Maxamed Salaad iyo Liibaan Shuluq ayaa la rumeysan yahay in ay kala yihiin murashaxiinta ka imaan doonto dhanka Villa Soomaaliya kuwaas oo wajihi doono QoorQoor kaas oo suumankiisa dhuuq-sadey si aan loo dhaafin kursiga.

Abaabulka gadiid dagaal iyo ciidan

Macluumaadka laga helayo degaanada Galmudug ayaa waxa ay muujinayaan in murashaxiinta ay magaalooyinka ay dagaan ay ka wadaan abaabul ciidan iyo aruurashadda gaadiid dagaal taas oo ay ku doonayaan in ay ku meelmariyaan damacooda.

Tani ayaa waxa ay horseeday cabsi xooggan oo laga qabo in ololaha doorashadda uu hareeyo gacan ka hadal. Magaalooyinka saan-saantaas sida ba’an uga muuqato waa Dhuusomareeb, Guriceel iyo Cadaado.

Carqaladeynta dagaalka Al-Shabaab

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumeysan yahay in uu dhowaan dib ugu laabanayo furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada Mudug iyo Galgaduud. Balse, waxaa carqaladeyn kara ololaha doorashadda.

Hase ahaatee, dadka taageersan maamulka haatan ka talinaya Galmudug ayaa socdaalka Xasan Sheekh waxa ay u arkaan mid bilow u ah faragelinta ay Villa Soomaaliya damacsan tahay in ay ku sameyso doorashadda si ay u hesho murashaxa ay wadato.

Gorgortanka Xasan Sheekh v Maamulada

Waxaa jira dhinaca kale qorshe Madaxweynayaasha maamulada qaar ka tirsan gaar ahaan Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug gorgortan kula jiraan Madaxweynaha Soomaaliya inuu siiyo muddo koror labo sano ah si ay u taageeraan qorshihiisa ah in badalka Dastuurka lagu sameeyey taageeraan islamarkaana kala shaqeeyaan damaciisa ah in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto sanadka 2026. 

Xogta ayaa intaas ku dareysa iney madaxda maamuladaan rabaan go'aanka muddo kordhinta loo sameynayo ka soo baxo madasha madaxda maamulada iyo Dowladda Federaalka. 

Sikastaba, waa biyo kama dhibcaan in Villa Soomaaliya ay quudareyneyso in ay maamuladda geysato madaxwayne ka shaqeeya danaheeda si ay 2026-ka usoo saarato Xildhibaano taabacsan waaba haddii loo laabanayo doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM