Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka
FAALADA WARKA | Waxaa maanta magaalada Muqdisho, meel aan ka fogeyn halkii bishii Maarso 2025 la damacsanaa in lagu khaarajiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, ku kulmaya koox siyaasiyiin ah oo isugu jira madaxweynayaal hore xilal ka soo qabtay heer federaal iyo maamul goboleed, Ra’iisal Wasaareyaal hore, xubno hore ugu tartamay xilka ugu sarreeya dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsi yahay. Kooxdan ayaa muddo bilo ah ka hor la magac baxday Madasha Golaha Samatabixinta Qaranka. Magacaasi marka la akhriyo, wuxuu dhaliyaa sawir koox u taagan badbaadinta dal soo maray colaado iyo burbur siyaasadeed; balse su’aashu waxay tahay — ma magacaas baa la badbaadin doonaa mise dalka?
Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku fashilantay amniga qaranka, ilaalinta midnimada dalka, iyo dhowrista sharciga. Villa Somalia maanta waxay u adeegsaneysaa awooddii qaranka sidii hantidii dowlada — dhul iyo dhaqaale ugu bixin laheyd laaluush siyaasadeed, halkii lagu ilaalin lahaa danaha shacabka.
Waxaa sii dheer, xanta ku wareegsan madasha ayaa muujineysa in qaar ka mid ah xubnaha ku jira ay ku mashquulsan yihiin gorgortan ku saabsan helitaanka xilal sare oo ka mid ah dowladda muddadu ka dhamaatay. Dhanka kale, kulankaan ayaa imaanaya xilli Wasiirka Difaaca dalku maalintii shalay ku eedeeyay dalal shisheeye in ay ka shaqeynayaan sidii gacanta loogu galin lahaa dalka Al-Shabaab, isaga oo aan magacyada dalalkaas sheegin.
Haddii magaca Samatabixinta uu run ka yahay, madashu waa in ay diiddaa in miiska lagu iibiyo masiirka dalka. Soomaaliya waxay ka daashay siyaasiyiin danahooda gaar ah ka hormariya jiritaanka qaranka. Indhaha shacabka maanta waxay ku sii jeedaan Madaxweyne Shiikh Shariif, oo la sheegay in cadaadis lagu saarayo inuu aqbalo gorgortan ka imaanaya Villa Soomaaliyada Ra’iisal Wasaaraheeda mooshinkiisa lagu diyaarinayo mid ka mid ah dalalka dariska ah.
Madashan waxay ku jirtaa imtixaan. Waa in ay caddeyso in magaca ay sidato uu yahay mid ballan lagu fulinayo, ee uusan noqon astaan lagu ansaxiyo heshiisyo si sharci daro ah kursiga lagu sii haysano. Garowe Online horey ayaa u sheegtay ineysan shaacineyn magacyada xubnaha madasha ku jira ee ku lug leh gorgor-tankaan siyaasadeed.
Haddii ficilku uusan waafaqin magaca, Madasha Samatabixinta Qaranka waxay ku dambeyn doontaa in ay noqoto mid magaceeda ka hormarisay masiirkii siyaasadeed ee dalka.
GAROWE ONLINE