Ilhaan Omar Waa Inay Joojisaa Dagaalka Afka ah ee Ay La Waddo Donald Trump

Image

Faalada Warka | Waxaa la joogaa xilligii Xildhibaanad Ilhaan Omar dib ugu noqon laheyd istiraatiijiyad deggan oo ay kaga gudubto muranka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya iyada iyo  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump—dagaalkoida afka ah ayaa hadda gaaray heer uu khatar geliyey sumcadda Soomaalida Mareykanka ku nool iyo mustaqbalka kumannaan qoys oo ku tiirsan nidaamka socdaalka.

Muddooyinkii u dambeeyay, muranka labada dhinac ayaa ka baxay xayndaabkii doodaha siyaasadda caadiga ah. Madaxweyne Trump, oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad isagoo wata ajande adag oo ka dhan ah socdaalka, ayaa hadallo kulul ku weeraray Soomaaliya, isaga oo sheegay in “uusan jirin dal Soomaaliyeed oo si caadi ah loogu noolaado.” Hadalkan ayaa dab ka sii shiday xiisad horey u jirtay ee u dhexeysay labada mas'uul. 

Trump wuxuu dib u bilaabay adkeynta nidaamyadii socdaalka marka uu xilka kala wareegay Joe Biden. Hay’adaha socdaalka ee federaalka ayaa lagu xoojiyay awood dheeri ah, waxaana si joogto ah jidadka Mareykanka looga soo qabqabtaa dadka aan haysan dukumentiyada sharciyeysan, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Latin America.

Xiisadda u dhexeysa Ilhaan iyo Trump ayaa sii xoogeystay kadib markii ay soo baxeen fadeexado ku saabsan Soomaalida dalkaas dagan kuwaas oo lagu eedeeyay inay si khaldan ugu dalaceen lacago qaan- sheegad ah nidaamka caafimaadka ee oo loo yaqaan Medicaid. Qoraallo qowmiyad beegsi ah ayaa baraha bulshada lagu faafiyey—gaar ahaan barta X—waxaana ku celceliyay eedeymahaas taageerayaasha midigta fog ee Trump, oo uu ka mid yahay Elon Musk. Qoraalladaas waxa mar walba lagu lifaaqayay weerarada afka ah ee u dhexeeya Ilhaan Omar iyo Trump, iyagoo isku dayaya inay ku xiraan Soomaalida oo dhan arrintaas.

Dhanka kale, Xildhibaanad Ilhaan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, gaar ahaan garabka bidix, iyo Trump ayaa tan iyo maalintii uu Trump dib ugu soo laabtay talada, hadallo kulul isku mariyey saxaafadda iyo baraha bulshada. Falcelintaas ayaa loo arkaa mid horseedi karta beegsiga Soomaalida Minnesota iyo deegaanada ku xeeran.

Go’aankii ugu dambeeyay ee Aqalka Cad ayaa ahaa mid si gaar ah u taabanaya dadka Soomaaliyeed: gabi ahaanba waxaa la joojiyay nidaamka TPS (Temporary Protected Status) oo muhiim u ahaa kumannaan qoys qaxooti ah. Waxaa lagu qiyaasay in ugu yaraan 50,000 Soomaali ah oo ku nool guud ahaan Mareykanka gaar ahaan Minnesota uu saameynayo.

Sidoo kale, siyaasadda Trump waxaa lagu yaqaan inuu aad ugu faano tallaabooyinka uu qaado, taas oo ka dhigaysa inuu si sahlan uga falceliyo saameynta warbaahinta. Arrintan ayaa ah mid ay sii xoojisay warbixin ay daabacday Bloomberg oo muujinaysa in ergayga nabadda ee Trump, Steven Charles Witkoff, uu la-taliye sare oo Ruush ah u sheegay in Trump uu jecel yahay in si weyn loogu ammaano shaqadiisa, gaar ahaan dadaallada uu ku sheegay inuu ku joojinayo dagaallada caalamiga ah. Sidaa darteed hadii ay qaadaan talaabadaas suurtagal tahay inuu uga hiilayo dalka Ukrain. 

Haddaba su’aasha taagan waa:

Ma la joogaa waqtigii Ilhaan Omar ay dib u qiimeyn lahayd dagaalka ay la waddo madaxweynaha Mareykanka— Iyo in haddii ay suuragal tahay, ay furi karto bog cusub oo wadahadal ah—kaas oo suurtaglin kara iney wax badan u tarto kumanaan Soomaali ah ee ku nool dalkaas. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo…

  • Faalada Warka

    10-08-2025

  • 03:18AM

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM