Laftagareen iyo Madoobe oo ku dhow iska furida xirsigii Xasan Sheekh

Image
Hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa kusii siqaya soo afjarida maalmihii malabka nidaamka xukunka haya.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa qarka u saaran in ay soo gabagabeeyaan maalmihii malabka oo ay la qaadanayeen nidaamka Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] iyo Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] ayaa sabab u noqdey in uu baaqdo shirkii lagu wadday in Sabtida maanta ah uu ka furmo magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Laftagareen oo ku sugan caasimada Kenya ee Nairobi iyo Madoobe oo jooga Imaaraadka ayaa "cudurdaar siyaasadeed" ka sheegtay casuumaada uga timid Madaxtooyadda Soomaaliya, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Labadan hogaamiye ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxa ay ka gadoodsan yihiin in Villa Soomaaliya aysan wali caddeyn mowqifkeeda ku wajahan dib-u-doorashadooda iyo in ay muddo ka cagajiidey qabashada shirka.

Si ka duwan madaxda maamulada kale, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay diyaarinayaan qabsashadda doorasho ay maamushaan haddii Villa Soomaaliya ay sii waddo "siyaasada is-maaweelinta".

Doonista Laftagareen iyo Madoobe

Baydhabo iyo Kismaayo ayaa si weyn waxa ay ugu ololeynayaan muddo kororsi labo sano ah taas oo kusoo baxda faafinta rasmiga ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka si ay Xasan Sheekh ugala shaqeeyaan damaciisa doorashada.

Xasan Sheekh ayaa maagan inuu fuliyo dastuurka lagu muransan yahay kaas oo xeerinaya in uu xilka sii joogo illaa laga qabanayo doorasho qof iyo cod taas oo ay ku hoos-qarsan tahay muddo kororsi aan mudo cayiman lahayn.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in Xasan Sheekh ay ku adkaan doonto inuu ogolaado doonista Laftagareen iyo Madoobe oo ay la qabaan hogaamiyeyaasha Galmudug iyo HirShabelle wallow aysan wali kor u sheegin.

"Haddii madaxweynaha uu mar kale ku dhaco dabinkan waxa ay ka dhigan tahay inuu mar kale sameeyay sharci darro maadaama uu horey maamuladan uga ogolaadey ku darsi hal sano," ayuu yiri mid kamid ah khuburadda.

Sikastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa waxaa hortaala labo daran mid dooro taas oo uu uga baahan inuu si wanaagsan isaga baandheeyo kahor inta uusan afka la gelin bohol kasoo bixitaankeeda ay waqti badan ku qaadan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM