Madaxweynihii hore ee Puntland oo dilka Shabab ka hadlay

Image

Kooxda Shabaab ayaa March 4, 2014, ku dhawaaqday inay ku toogteen magaalada Baraawe ee koonfurta Somalia sadex nin oo lagu eedeeyey jaajuusnimo.

Ragii la toogtay waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdullahi Shiikh Maxamad Farole oo sanado badan ganacsade ka ahaa Gobollada Banaadir iyo Shabellaha Hoose, muddo dheer-na aan booqasho ku imaan gobollada Puntland.

Sida laga soo xigtay warfaafinta, kooxda Shabaab waxay Axmed ku eedeyeen inuu Dowladda Puntland uga jaajuusi jiray sirta kooxda Shabaab ee ku dhuumaalaysata buuraha Golis (Galgala) ee u dhexeeya deegaanada Puntland iyo Somaliland. Mujrimkii ka tirsanaa Shabaab oo akhriyay xukunkaasi cadaaladda ka fog ayaa ku celceliyey inuu Axmed ka dhashay qoyska Reer Farole.

Waxaa la yaab leh Axmed oo ka ganacsan jiray gobollada Koonfureed ee Somalia sanado badan siduu uga warqabi karo ama uga jaajuusi karo xaalada kooxda Shabaab ee buuraha Golis ee waqooyiga Somalia?

Waxaa cad in Axmed lagu toogtay xukun cadaalad darro ah oo aargoosi ah looguna dan lahaa aniga oo ah Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole ahna Axmed adeerkiis, iyadoo la wada ogsoonyahay in Xukuumadii Puntland aan hogaanka u hayay shantii sanno ee ugu dambaysay (2009-2013) ay si weyn ula dagaalantay kooxaha amni-darada sida Shabaab, burcad-badeed IWM si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee Puntland.

Waxaan si weyn u cambaaraynayaa xukunkii iyo dilkii naxariis daradda ahaa oo lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Farole iyo sidoo kale guud ahaan dilalka iyo qaraxyada arxandaradda ah oo kooxda Shabaab ka wado qeybaha kala duwan ee Somalia.

August 1, 2010-kii, anigoo khudbo ka jeedinaya sanadguuradii 12-aad ee Dowladda Puntland oo lagu qabtay caasimadda Garowe, waxaan iri: "Qofka Muslimka ah waa qofka dadku ka nabad-galo Gacantiisa iyo afkiisa. Kuwaan hada Diinta Islaamka ku been abuuranaya malaga nabad-galay gacantooda iyo afkooda? Waa been. Marka maxay yihiin? Shayaadiin weeye. Waa beenloowyaal, waa dhiigyacabyaal, waa dad-qalato."
Xaqiiqdii waxba iskama badalin xaaladaas aan hore usoo sheegay waana ayaandarro maanta haysata dhammaan Somalia.

Kooxda Shabaab waxay fariin argagax iyo cabsi gelin wadata u dirtay shacabka iyo Dowladda Puntland, waxaana shacabka ugu baaqaya inay la shaqeeyaan Dowladda Puntland iyo Hey'adaha Amniga ayna adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda si looga hortago hagardaamada cadowga, loona xaqiijiyo amniga iyo horumarka dalka.

Wabillahi towfiiq.

Dr. Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM

Laftagareen iyo Madoobe oo ku dhow iska furida xirsigii Xasan Sheekh

Hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa kusii siqaya soo afjarida maalmihii malabka nidaamka xukunka haya.

  • Faalada Warka

    20-04-2024

  • 04:18PM