Su’aallo ka dhashay abaalmarin uu Xasan Sheekh ku bixiyay Villa Soomaaliya

Image
Abaalgudkan lacageed ayaa lagu maamuusay ardayda ka qeybgashay tartan Qur’aan oo uu taabogeliyay madaxwayne Xasan Sheekh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka. Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”.

Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay;


1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Balse, waxaa su'aal ay ka dhalatay in ardayda labada kaalin ugu hooseysa gashay aysan is lahayn lacagta la siiyey iyo cadadka qoraalka ku qoran boorka oo ah shan kun doolar balse la siiyay saddex kun iyo labo kun doolar ka Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, dadweynaha oo isla dhexmaray a waydiimo ay kamid tahay in musuqmaasuq uu jiro ama in uu qalad dhacay ayaa dalbanaya sharaxaad dheeri ah si ay meesha uga baxdo tuhunkan xooggan ee taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM