Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Image
Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maleegaya qorshe kale oo uu muddo kororsi ugu sameynayo hogaamiyeyaasha maamuladda, sidda uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Sharci-dejiye Cabdullaahi Aadan Kulane oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka ayaa waxa uu tibaaxay in qorshahan uu yahay mid u suurtagelinaya in Xasan Sheekh uu "afduub ku haysto madaxda dowlad goboleedyadda.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda dabada ka riixaya in dawlad goboleedyadda loo kordhiyo wakhtiga illaa 2026 isagoo ku gabanaya middeynta doorashooyinka," ayuu hoosta ka xariiqay Kulane.

Sidda laga soo xigtay sheegashada mudanaha, muddo kordhin kale oo loo sameeyo madaxda maamuladda waxa ay meesha ka saareysaa nidaamkii isla-xisaabtanka ee Soomaaliya soo dhiseysay muddo sanado ah.

"Talaabadan ayaa ugu danbeytii loogu talagalay in si sharci daro mudo xileedka loogu kordhiyo madaxda maamul goboleedyada, lagana dhigo kuwa aan khuseyn siyaasadda hadda jirta, taas oo meesha ka saaraysa hannaankii is xisaabinka iyo hubinta ee Soomaaliya oo markii horeba jilicsanaa," ayuu carabka ku adkeeyay.

Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda ee muddo xileedkooda uu dhamaadka yahay waxaa ugu soo horeeya Koonfur Galbeed iyo Jubaland kuwaas oo qaban-qaabadda doorashooyin aysan wali ka muuqan.

"Gabagabada waxay tani keeneysaa Xasan Sheekh uu afduub ku qabsan doono madaxweynayaasha gobollada, isaga oo ka fashunaya rabitaankiisa, naftiisana u abuuraya fursad uu awoodda isugu soo koobo," ayuu Kulane xusay.

Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa horey Villa Soomaaliya waxa ay uga heleen muddo kororsi hal sano ah taas oo ka careysiisay murashaxiinta mucaaradka ee xukunka degaanadaas uu damaca uga jiray.

"Tani kaliya ma wiiqi doonto geedi socodka dimoqraadiyada balse waxay halis inoo gelinaysaa sii waaritaanka nidaamka xukunka kalitaliska ah, taasoo sii kala qaybinaysa shacabka Soomaaliyeed," ayuu Mr Kulane kusoo gunaanadey hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM