Xudunta diidmada Farmaajo ee howlgalida ergayga AU-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha xilka kasii degaya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay in ergayga cusub ee gaarka ah, madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama, uusan dalka soo gaarin isaga oo ah waiila sarre ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ayaa ku doodeysa in magacaabida iyo soo dirida ay ka horeeyeen dhacdooyin. Hadday run tahay ama been tahayba, tallaabadan ay qaaday Muqdhisho waxaa ka muuqaneysa isla-weyni. Midowga Afrika wuxuu ka kooban yahay 55 dowladood. Dirista ergega waxay ku timid wada-ogol oo uu ansaxiyay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Dabcan, waa talaabo uu ka qoomameyn karo in madaxweynaha waqtigiisii ​​dhamaaday 8-da bishii Febraayo 2021-kii.

Waa tan sidda ay ku timid: Bishii Abriil, Farmaajo laftiisa wuxuu u duulay Kinshasa, si uu halkaas xulafo ugu sameysto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi, oo hadda ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Laga soo bilaabo is-araggaas, warbixin ay baahisay Villa Somalia ayaa farxad loogu muujiyey doorka midowga Afrika waxayna isku raacday in ururka ay gacan ka geysato agaasimida heshiis salka ku haya 'Dhibaatooyinka Afrika in lagu dhameeyo xal Afrikaan.' Isla waqtigaas, Villa Somalia ayaa si been abuur ah ugu doodday in dib u dhac ku yimid doorashada halka ay tahay damac muddo kordhinta Farmaajo.

Markii uu Farmaajo aakhirkiina ogolaaday in muddo kordhinta uu ka hor laalo Barlamaanka, waxay u muuqatay in ugu dambayn uu wajahay daqiiqaddiis ​​Dimishiq. Isbedelka wuxuu ku imaanayaa si degdeg ah. Qadar, oo si weyn u taakuleysa maamulka Farmaajo, ayaa u soo istaagey in ay xaddo dabeysha "nabadeynta" Muqdisho ka hor inta Midowga Afrika uusan dirin ergayga.

Wakiilka gaarka ah ee Qatar, Mutlaq bin Majed al-Qahtani, ayaa yimid, isaga oo dhexda  u galay dhinacyadda Soomaalida goobayana heshiis. Ku lug lahaanshihiisa darteed, kooxaha mucaaradka waxay isku raaceen in laga saaro ciidamadooda huwanta ah caasimada ayna yareeyaan xiisadaha. Waxay sidoo kale fursad siiyeen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu aasaaso barnaamij lagu gorgortamayo kaasoo bilaabmaya 20ka Maajo.

Si la hubiyey, habraacyadda Midowga xilliyadda qaar waa gaabis. Haddii sidaan lagu galo wadaxaajood, ma ahan kii Soomaaliya saari lahaa kursiga horey-u-socodka. Sida ay sheegeyso taariikhda dhow iyo tan fog oo caddeyntii ugu dambeysay ay tahay laga soo bilaabo Suudaanta Koonfureed, Itoobiya iyo Central African Republic, dib-u-dhacyada doorashooyinka waxay dhaliyaan khasaaro leh naf iyo maalba.

Si kastaba ha noqotee, Midowga Afrika ayaa weli ah mid ka mid ah saaxiibbada joogtada ah ee nabadda Soomaaliya. Waxay soo dirtay AMISOM 2007 markii qof kasta oo Mareykanku ku jiro uu Soomaaliya ka maamulayay meel ka baxsan hubka. Howlgalka AMISOM, si ay u ahaato mid cadaalad ah, wuxuu la kulmay talaabooyin u gaar ah wadamada ku biiryey ciidamada taasoo ah in ay baadigoobeen danahooda halkii diiradda saari lahaayeen tan Soomaaliya. Hase yeeshe, meesha kama saareyso xaqiiqadda ah in ay Al-Shabaab ka xoreeyeen degaano muhiim u ah Dalka.

Aan u soo noqonee Midowga Afrika, dhawaqa Farmaajo ee ah in howlgelida Mahama hareeyeen dhacdooyinku sax maahan. Soomaaliya waa xasiloon tahay maanta maxaa yeelay tanaasul ay sameeyeen kooxaha mucaaradka iyo ciidamadooda xulafada ah. Lama mala-awaali karo hadday diideen inay ka baxaan magaalada oo ay doorteen inay la dagaallamaan xoogag daacada u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxaa intaas dheer? Ma jiro wax heshiis ah oo wali ku saabsan jadwalka doorashada. Sidoo kale, lama hubo haddii dhibaato kale keeni karto in kalsooni buuxda la siiyo ra’iisul wasaare Rooble. Marka ay timaado ka hortagida isbedelo baalmarsan dastuurka iyo dib-u-qaabeyn xasaasi ah, Midowga Afrika wuxuu arrinkaas ka leeyahay sooyaal adag. Sababtaas darteeda, waa suurtagal in ay aad u xakameeyaan isku-dayada taxadar la’aanta ee kursi kusii joogo sharciga banaankiisa sida Farmaajo.

Sheegashooyinka Muqdisho ee ah in Mahama uu "xiriirro" la leeyahay Kenya waa kuwo aan caddayn waddan. Xaqiiqdii, isagu waa shaqsi qeexitaan ahaan ka fog halaas. Markii doorashadii 2017 uu u kormeeray ururka Barwaaqo Sooranka, wuxuu door ku lahaa go’aankii Maxkamada Sare ee Kenya ay ku laashay coddeynta.

Mahama waxaa laga yaabaa inuu dano ganacsi ku leeyahay Kenya, balse waa wax aan weli la caddeynin hadda. Balse, dhawaqa Soomaaliya ay barnaamijka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika kula xiriirisay Kenya waxaa la dihi karaa mid ay la weyday shiishka.

Waxaa jira kiisas ay dhinacyo gaar ah ama kuwa dano gaar ah ka leh qalalaasaha ay rabaan in ay kasii shaqeeyaan in dhexdhexaadinta ay noqoton mid u wanaagsan darafkooda. Mahama waxaa hubaal ah inuu heysto waajibaadiisa iyo habraaca laga rabo.

Marka la eego sida u wanaagsan Soomaaliya waa in ay Midowga Afrika kala gorgortanto in la bedelo halkii meesha laga saari lahaa. Balse waxaa muhiim ah in xasuusta lagu daro in kooxaha mucaaradka ay ogolaadeen la kulanka diblumaasigii Qatar iyadda oo ay xusid mudan tahay in lacagta shidaalka ka timaada ee Dooxa uu Farmaajo ku dhibaateeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta maamulada ee xiisada Dastuurka Soomaaliya: Dhagar mise Dheef?

Kaliya Puntland ayaa illaa hadda si cad u diidey isbeddelka uu baarlamaanka federaalka ku sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka.

  • Faalada Warka

    01-04-2024

  • 01:43AM

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo aqoonsadey “madaxwayne hore”

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin go’aanada diidmada ah ee ka imaanaya mucaaradka.

  • Faalada Warka

    31-03-2024

  • 05:16AM