Sooyaalka hogaanka cusub ee loo doortey SSC-Khaatumo

Image
Cabdulqaadir Ahmed Cali "Firdiye" iyo Dr Maxamed Cabdi Shiine ayaa dhowaan lagu doortey magaalada Laascaanood.

GAROWE, Puntland - Hogaamiyaha Khaatumo ee dhawaan ay doorteen guddiga 45-ta ah Cabdulqaadir Ahmed Cali "Firdiye" ayaa ah ganacsade horey u daganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya isaga oo ahaa maamule ku xigeenkii hore ee shirkada Amal ee Nairobi.

Tan iyo 2009 wuxuu kamid ahaa xubnaha aaminsan aragtida ah in SSC-Khaatumo ay yeelato "maamul u gooni ah" isaga oo taasi la sheegay in ay saamaysay shaqadiisi xawaalada Amal oo ay shaqada ka ceyriyeen wallow mar dambe uu dib uu shaqada ugu laabtay.

Firdhiye ayaa haysta shahaadada heerka labaad ee Business Administration oo uu ka qaatay Jaamacada Nairobi wuxuuna haatan hormuudka kaga jiray shirarkii Laascaanood isaga oo dadka xog ogaalka u ah arinta Laascaanood ay ku tilmaameen "Laf-dhabarta SSC-Khaatumo" waana shakhsi ay kalsooni wayn ku qabaan Isimada SSC-Khaatumo.

Ku xigeenka Hogaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa loo doortay Dr Maxamed Cabdi Shiine oo isagu haysta shahaadada heerka koowaad ee caafimaadka oo uu kasoo qalin jabiyay jaamacadaha wadanka Suudaan.

Markii uu Dr Shiine dalka kusoo laabtay waxaa uu dib u aas-aasay isbitaalka Manhal ee Laascaanood oo hawl-gab ahaa isaga oo ka dhigay mid kaalin mug leh uga jira caafimaadka gobalka Sool.

Intaas kadib waxaa uu saldhig ka dhigtay Buuhoodle halkaasi oo uu kamid ahaa aas-aasayaasha jaamacada Bariga Afrika qaybta Buuhoodle isaga oo ilaa haatan ka ahaa hormuudka qeybta culuumta caafimaadka.

Sidoo kale wuxuu aas-aasay shirkado soo dejiya dawooyinka oo lagu magacaabo "Som Pharmaceuticals".

Shiine ayaa lagu tilmaamay "Farsomayaqaan dhalinyaro ah" waxaana la filayaa in ay shidaal cusub ku shubaan xubnaha dhaqaajinta maamulkaan oo durba ay muujiyeen Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo kalsoonida ay ku qabaan iyaga oo codsi ay soo saareen maalin uun kadib Doorashada ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay la shaqeeyaan isla markaana ay aqoonsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Warbixino

    03-05-2024

  • 03:54AM

Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

  • Warbixino

    30-04-2024

  • 04:38AM