Biloowgii sheeko faneedka Afsoomaaliga iyo Dr. Mohamed Daahir Afrax

Image
Dr. Afrax wuxuu kaalin firfircoon ka qaatay arimaha bulshada, dhaqanka, siyaasada iyo dib u dhiska dalka.

LONDON, UK - AUN Dr. Mohamed Daahir Afrax, wuxuu ahaa Qoraa hal’abuur sare leh, aqoonyahan cilmi-baare, suugaan-yahan, siyaasi xildhibaan, iyo wasiir hore. Wuxuu ahaa agaasimihii akademiyada Soomaaliya. Buuggaag badan ayuu qoray, Afsoomali kaliya kuma ekayn ee Arabic iyo English wax waa ku qoray. Buugga uu qoray ee Maana-faay waxaa macaan kiisa ka sheekayn kara qof akhriyay oo kaliya!

AUN Dr. Afrax novelkiisa Maana-faay waa sheeko faneedkii ugu horreeyay ee lagu qoray Af-Soomaali. Daabacaadi koowaad 1981-dii waxaa la daabacay 30,000 oo buug oo dhamaanto lagu dhamaysatay magaalada Muqdisho dhexdeed maalmo gudohood. Aayadoo aanan dadka gobolada kala jooga buuggu gaarin. Dabaacadii labaad waxaa ladaabacay 60,000 oo buugg.

Balse nasiib xumo waxaa taas saamayn xun ku yeelatay sheeko uu qoray 1981dii sheekadii Galti macruuf oo ay dhibsatay dawldii kacaaka taas oo sababtay in laxiro markii la soodaayayna uu wadanka iskaga cararay. Waxay saamayn wayn ku yeelatay buuggii Maana-faay oo wixii xilgaa ka danbeeyay noqotay buugg qurbe joog ah. Dr. Afrax iyo Buuggiisii dadku aadka u jeclaadeen labaduba dalka waaka carareen oo waxay noqdeen qurba joog.

Buugga meel lagu sheego ayaa la waaya ilaa markii danbe nin la yiraahdo Ibrahim Hawd oo ah qoraa uu qoray faalo u ku baadigoobayay buugga Maana-faay wuxuu qormadiisa ku gabagabeeyay “ Maana-faay waxaa cid ugu danabysay 1997-dii iyada oo Stockholm iyo Landon midba mar u qaxaysa” Taas oo uu ula jeeday in sheekadan sidaa u waangsan uu qoraagu mudo dheer dib u daabacid. Dr. Afrax ayaa kaga falceliya arinkaan hordhaca buugga dabaacadii 4-aad, 2018kii. Halkaas oo uu raaligelin ka bixiyay in buuggan dadka jecel waayeen.

Kadib markii uu iskaga cararay Soomaaliya, wakhti yar oo kooban ayuu ku sugnaa Talyaaniga wuxuu u wareegay Itoobiya halkaas oo uu kula midoobay Abwaan Mohamed ibraahim Hadraawi iyo hal’abuuro kale oo ay ka midyihiijn Gaariye iyo Gamuute.

Sheekada Maana-faay waxay qorantahay 45 sano, waxaa laqoray 1979-kii waxaana ladaabacay 1981-dii. Weli waa la daabacaa waxay noqotay midkamid ah sheekoyinka loogu jecelyahay ilaa maanta dadkuna aanay ka xiiso dhicin. Prof. Cali Jimcaale Axmed oo kahadlaya buuggaan ayaa yiri “Sheeko-casri Af-Soomaali ku qoran Maana-faay waa tii ugu horreysey ee istaahisha magaca ‘sheeko-faneed”. Shaakadan Afrax wuxuu ku muujiyey hibo iyo karti-maskaxeed an caadi ahayn oo taariikhda gali doonta.” -

Markii ugu horaysay ee uu buuggan soo caanbaxay waxa lagu daabacay wargeyska, maalinlaha Xiddigta Oktoober, halkaas oo ay dadbadan gaartay sheekadan aadna ay u jeclaadeen. Sheekada Dr. Maxamad Afrax halkaas ayay ku soo caanbaxday, isaguna ku noqday hogaamiyihii suugaanta Soomaaliyeed. Buugga Maana-faay waxaa lagu turjumay English “Waxaan aad u jeclaaday dib u akhrinta sheekadaan, waxana aan aaminsanahay in tarjumaada Ingiriisiga ahi ay qoraaga u soo jiidayso saaxiibo badan oo cusub.' Waxaa yiri Nuurudiin Faarax, qoraaga caanka ah.

Way jiraan aqoonyaho badan oo Soomaali ah oo qoray sheeko faneedyo cajiib ah, basle Afrax wuxuu kaga duwanaa wuxuu sheekooyinkiisa noogu soo gudbiyay Afsoomalig. Taas oo ka dhigaysa Buuggiisa Maana-faay buuggi ugu horeeyay oo Afsoomali ku qoran oo sheeko faneed ah. Marka aad gacanta ku dhigto Buugga Maana-faay runtii dhulka maba dhigi kartid, bogga labaad buugga markaad gaarto wxaa horay u dhexgalaysaa sheekada waxaad aad ula dhacaysa sida uu u adeegsanayo lahjadaha kaladuwan. Mar waad la qiiroon, mar waad la farxaysaa, marna waad qososhaa. Habka uu u isticmaalay lahjadaha gobolka banaadiriga. Ayaduna waa cajiib. 

Dadka Af- Soomaaliga wax ku qora, badana dunida lama xuso, lamana abaalmariyo hadii ay jirilahayd tartan sheeko faneed Afrax lagula tartamo, Maana-faay waxaan hubaa in loo codayn lahaa in ay tahay sheeko faneedkii ugu fiicnaa ee uu qoray qof aadmigaan Dr. Mohamed Daahir, wuxuu kudhashay magaalada Jariibban, gobolka Mudug 1952-dii. Xamar ayuu waxbarasho u aaday, halkaas oo uu ka dhameeyay dugsi hoose dhexe xamar jajab 1973-dii. 

Jaamacad cadan dalka Yaman ayuu galay, halkaasna ka qalinjabiyay heerka koowaad jaamacada, wuxuu diyaariyay isbarbardhiga suugaanta iyo masraxa 1984-tii. Mudadii uu ku noolaa dalka yemen wuxuu ka shaqaynaayay wasaarada dhaqanka Yemen uuna kamid ahaa bahda qoraalka. Dabadeed waxa uu u wareegay qaarada yurub, Londan 1990-kii. Ma uusan joojin waxabarashadii ee halkaas ayuu ka sii watay. Ugudanbayn waa uu guulaystay in uu ka gaaro heer PhD Jaamacadda SOAS ee London. Takhasuskiisa masterka waa African studies.

Isagoo dugi sare dhigta ayuu bilaabay in uu wax qoro xiligaa far-soomaaligu maqornayn waxay ahay ka hor 1972-dii sidaa awgee wuxuu wax ku qorijiray af carabiga. Markii Afsoomaliga loqaray 1972, Afrax wuxuu aas asay magazine la oran jiray codka juba oo uu 1979kii ilaa 1981-dii ku daabici jiray maqaalo kala duwan xiligaa qaabka uu wax uqorayo dadka soomalida ah way ku cusbayd. Dr. Afrax kuma ekayn buuggaagta ee wuxuu kaloo qoray ruwaayado ay ka mid ahayd ruwaayadii Durbaan been ah 1979kii.

Dhanka siyaasada, Dr. Afrax waxa uu kaalin wayn ka qaatay hirgelinta shirwaynihii carte, waxaana loo doortay xildhibaan loona magacaabay wasiiru dawlaha xiriirka caalamiga ah. Prof. Afrax 2015-kii ayaa loo magcaabay gudoomiye gudiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya. Dr. Afrax wuxuu lataliye u ahaa madaxwayen Ismaaciil Cumar Geelle khaasatan arimha Af Soomaaliga iyo hormarintiisa.

Wuxuu dadka soomaaliyeed baray hab cusub oo casri ah oo wax looqoro, loona fakaro. Wuxuu kaalin firfircoon ka qaatay arimaha bulshada, dhaqanka, siyaasada iyo dib u dhiska dalka.

Howshii ugu danbaysay ee uu dalka iyo Af-Soomaaliga u hayay waxay ahayd gudoomiyaha AGA- Akademiyad Goboleedka Afsoomaaliga.

AUN wuxuu geeriyooday October 9th 2021-

Waxaa qortay- Qween Arawela

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM