Khaladaadka ay tahay in lagu saxo doorashada Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madalo kala duwan wuxuu si cod dheer ah kaga balanqaadey in ay xor iyo xalaal noqoneyso doorashooyinka waddanka galayo. Sababtaas darteeda, wuxuu ku helay taageerada Soomaali badan oo rumeysan in uu wacadkaas ficil u bedeli doono.

Xulista xubnaha Aqalka Sare oo durba bilaabatay waxay muujisay baahida loo qabo in shaqo la qabto si looga dhabeeyo riyaddaas. Ugu horeyn, way daahdey doorashada Senate-ka. Intaas waxaa wehlisa, caqabado xusid mudan ayaa soo ifbaxay.

Jubaland, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa soo xulay shan kursi. Koonfur Galbeed waxay shaacisay shan kursi. Labadan maamul waxay golaha ku leeyahay min sided xubnood taasoo ka dhigan in laga sugayo magacaabida liisaska harsan waana qeyb kamid ah dhibaatooyinka jira.

Shuruudaha musharaxiinta waxaa hareeyay baahida loo qabo isu-dheelatirka awoodaha beelaha iyadda oo ay jiraan baaqyo ku saabsan xoojinta metelaadda haweenka. Madaxwayneyaasha maamulada ma isu dheelatiri karaan bulshooyinka mana ku shaqeyn karaan sharciga?

Diiwaanka illa ahaatan soo baxay ayaa tusinaya in hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ay adeegsadeen waaya-aragnimadooda siyaasadeed.
Marka laga soo tago daldaloolada magacaabida musharaxiinta, carqalada haatan jirta waxay tahay in mar kale uu dib-u-dhac ku imaan karo jadwalka doorashooyinka iyada oo xifaaltanka ka dhex-jira maamuladda uu wali jiro.

Soomaalida ayaa u baahan in aysan mar kale turaanturoon. Kaliya bilowga doorashadda waa waxa kaliya ee muhiimka ah haatan. Bilooyin kahor, dalka wuxuu qarka u fuulay wax u muuqda colaad sokeeye. Tani waxay la macno tahay in waajib ay tahay in wejiga labaad ee doorashada lagu saxo khaladaadkii horey u dhacay.

Danaha siyaasadeed, saameynta qabiilka iyo lacagta wali waa furaha labinta coddeynta. Tani waa sababta musharaxiin qaar ay tartanka uga harayaan, qaar kalana loo dooranayo. Balse, mas’uul kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay booska uu joogo.

Haddii tani waayo waxay sii hurineysaa suurtagalnimada in ay timaado ku shubasho. Casharadii horey waxay inagu caawinayaan in khaladka uu kaliya horseedayo in uu sii jiro dildilaaca. Tani waxay ka dhigan tahay in mas’uuliyiintu sameyn karaan wax wanaajinaya anshaxa doorashooyinka.

Nidaamka doorasho ee Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu adag ee la kormeero. Waa horudhac ah la ammaano qaban-qaabiyeyaasha doorashooyinka. Balse, fursad ayaa wali loo haystaa in lagu saxo khaladaadka si maxsuulka kasoo baxaya uu u noqdo mid loo wada maqsuudo.

Doorasho waa in musharaxiinta si xor ah ugu tartamaan. Sidoo kale, shuruucda waa in dadka oo dhan u siman yihiin. Gudaha Soomaaliya, xilliyadan oo kale waxaa aad u badan adeegsiga hantida dowladda, awood-sheegashada iyo arrimo kale kuwaasoo xagal-daacinaya doorashooyinka.

Rooble ayaa waaya-arag u ah dhamaan arrimahan xilli waddanka uu galay jawi doorasho oo laba bilood ah. Sumcadda ama fashil kasta oo ku yimaada geedi-socodkan waxay dusha u koreysaa ra'iisul wasaaraha iyo guddiga doorashooyinka. Waxay taagan yihiin kala beer ay ku kala doortaan in ay noqdaan halyeeyo iyo shabakad ku shubata codadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM

Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

  • Maqaalo

    21-04-2024

  • 06:11AM