Lataliye madaxwayne: Qabiilka ayaa boqor ka ah Soomaaliya

Image
Madaxda Soomaaliya ayaa hiigsanaya xasilooni dowladnimo, isbedello siyaasadeed iyo deyn cafin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada tan iyo markii maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay olole milatari oo ka dhan ah maleyshiyadda ayna horkacayaan ciidamada Soomaaliya.

Gulufkan ayaa taageero ka helaya Mareykanka, Turkiga iyo Midowga Afrika. Taageereyaasha dowladda ayaa howlgalkan ku qeexay "ololihii ugu weyn ee lagu beegsado kooxda tan iyo markii ay riday rasaastii ugu horeysay 17 sano ka hor.

Degaano dhowr ah oo ku yaala bartamaha Soomaaliya ayaa laga saaray maleeshiyaadka. Mas'uuliyiinta ayaa tiradda goobaha laga qabsadey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ku sheegay in ka badan 70.

Hiigsiga madaxda Soomaaliya

Marka laga soo tago jabinta Al-Shabaab, madaxda Soomaaliya ayaa waxay hiigsanayaan xasilooni dowladnimo, sameeyaan isbedello siyaasadeed iyo in ay cagta saaraan wadadii deyn cafinta.

"[Arrimahan oo guul laga gaaro] waxay xoojinaysaa ammaanka guud ahaan gobolka," ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu xafiiskiisa ku dhex-siiyey majaladda Financial Times.

Wuxuu raaciyey: "Soomaaliya waxay aad muhiim ugu tahay xasilloonida, amniga iyo nabadda Geeska Afrika, gacanka Carabta iyo Badda Cas. Marka, haddii aysan nabad ka jirin Soomaaliya, nabad kama jireyso [goobahaas]".

Darbiga xafiiska Xasan Sheekh

Sidda laga soo xigtey Financial Times, darbi ku yaalla xafiiska madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku qoran liiska tobanka qodob ee uu mudnaanta siinayo.

Qodobadaas waxaa kamid ah in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, iyo in la dhameystiro dastuurkii ugu horeeyay ee Soomaaliya tan iyo burburkii 1991-dii.

Xasan Sheekh ayaa balan-qaadey in ka hor inta uusan dhamaanin muddo xileedkiisa 2026 in dalka yeelan doono dastuur cusub iyo in laga guuri doono nidaamka qabiilka ah ee haatan wax lagu doorto lana aadi doono doorasho qof iyo cod ah.

Qabiilka ayaa "boqor ka ah dalka"

"Dad badan ayaa aaminsan in [hiigsigan] ay adkaan doonto in uu dhaqan-galo. Soomaaliya waxaa degan qawmiyad asalkoodu yahay xoolo-dhaqato reer guuraa ah iyo af si rasmi ah loo qoray sannadkii 1972-kii," ayay raacisay warbixinta.

Mid kamid ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya oo oo magaciisa aan la shaacin ayay majaladda Financial Times ka soo xigtey "Marka ugu dambeysa, qabiilka ayaa boqor ka ah [Soomaaliya]".

Muddo sanad ku dhow oo uu xafiiska joogo tan iyo markii dib loo doortey May 15, 2022, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa go'aansadey in dhaxalka uu ka tagayo uu noqdo Al-Shabaab oo laga adkaado ama uu go’aan ka gaaro wada hadal.

Mid ka mid ah arrimaha la isku hayo

"Soomaaliya waxay lahayd dhul ballaaran oo aan la maamulin muddo dheer. Waana sababta aan isku dayeyno inaan al-Shabaab ku cadaadinno oo aan ciribtirno. Haddii aysan jirin hay’ado dowli ah oo xooggan oo ka taliya Soomaaliya, ma jiri doono nabad iyo xasillooni," ayuu yiri.

Waqtigan xaadirka ah, matalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa lagu qaybsadaa "Nidaamka 4.5", kaas oo lagu qaybsanayo kuraasta baarlamaanka iyo sidoo kale xilalka saamaynta leh.

"Mid ka mid ah arrimaha la isku hayo waa dimuqraadiyeynta, hannaanka dowlad-dhisidda, iyo sida ay u ekaan karto siyaasadda Soomaaliya," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. "Hadda waxaa lagu dhaqmaa qabiil oo ah is-afgarad la gaarey".

Raadinta dawlad dhexe oo tayo leh

Inkastoo Al-Shabaab laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii, haddana waxay weli maamulaan qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxayna inta badan weeraro ismiidaamin ah ka geystaan ​​caasimadda.

Falalkan amni-darro ayaa waxay curyaamiyeen dadaallo la doonayay in lagu yagleelayay dawlad dhexe oo tayo leh. Sannadkii 2012-kii, Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u ahaa aqoonyahan ayaa markii ugu horreysay xilka la wareegay.

Isku dayay ayuu sameeyay si uu dhidibbada u taago nidaamka federaalka oo ay ku mideysan yihiin shan maamul balse wali xal looma helin xurguftii maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland balse waxaa loo balansan yahay wadaxaajoodyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM