Maxaa sababay hunguriyeynta Itoobiya ee dhulka Soomaaliya?

Image
Soomaaliya ayaa tan iyo 1-dii Janaayo, 2024 waxa ay haysatay ciwaanada warbaahinta caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa tan iyo 1-dii Janaayo, 2024 waxa ay haysatay ciwaanada warbaahinta caalamka. Waa natiijo ka dhalatay is-afgarad ay Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland. Is-fahamkaas wuxuu abuuray xiisad diblumaasiyadeed degdeg ah.

Muqdisho ayaa is-afgaradkaas uga falcelisay in ay ku tilmaamtay “faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”.

Sidoo kale, falcelinta waxaa qeyb ka ahayd in ay u yeeratay safiirkii u fadhiyay Addis Ababa ayna bilowday cadaadis diblumaasi caalami ah kaas oo lagu ayiday madax-banaanida, wadajirka dhuleed iyo qaranimadda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho saldhig ciidan badeed iyo dhul dekadeed dhacaya Badda Cas. Sikastaba, damaca Itoobiya ee ka dhanka ah dhulka Soomaaliya muddo soo socday. Balse farqiga jira waa in ay markan si bayaan ah ugu dhiiratay. Maxaa sababay?

Hab-dhaqanka siyaasiyiinta federaalka

Soomaaliya ayaa ku jirta kasoo kabashada raadadka dagaalkii sokeeye. Dalka waa kala qeybsan yahay. Ma jiraan ciidamo mideysan oo hal talis laga xukumo. Dowladnimada waxay wali tahay taalaa Muqdisho; macnaheedu waa madax ka nool.

Iyadda oo ay xaqiiqooyinkan jiraan, madaxda dowladda federaalka – hadba midka xafiiska yimaada afartii jeer mar – ayaa ku kooban inuu kaliya ka dhoofo kana soo dego garoonka Muqdisho badalkii ay ahayd isku-soo-celinta dalka.

Intaas waxaa wehlisa, hogaanka dalka ayaa la aaminsan yahay in diyaarinta ciidamo leh han qaran ay ka door-bidaan cutubyo danahooda difaaca ama ku ilaaliya kursiga taas oo habacsanaan ku keenaysa difaacida iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Matalaada kaliya macaash doon ah

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya. Waa run in aysan wali helin wax aqoonsi caalami ah. Waa biyo-kama-dhibcaan in dunida wali u aragto in ay hoostagaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wakiilada gobolada waqooyi ku matala goleyaasha dowladda federaalka ayaa lagu xulaa Muqdisho iyaga oo isugu jira qaar soo dhuuntay iyo kuwa ay soo xusheen madaxda federaalka iyaga oo ujeedada kaliya tahay in ay codkooda helaan.

Xubnahan iyo kuwa kale eel aga soo doortey maamulada kale marka ay tagaan Muqdisho ayaanan tagi karin dhulka ay sheeganayaan in ay matalaan taas oo dharbaaxo ku ah ka war haynta degaankooda iyo la shaqeynta maamulka ka jira.

Siyaasad arrimo dibadeed qofeysan

Siyaasadda arrimaha dibadda ayaa kamid ah meelaha laga jaan-gooyo lagana ilaaliyo midnimada, madax-banaanida iyo karaamada dal walba, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee Qaramadda Midoobay.

Soomaaliya ma lahan lahayn hal siyaasad arrimo dibadeed. Tani waxay dhabaha u xaartey in hogaan kasta oo yimaada afartii sano mar uu ku shaqeeyo qabyo-qoraal. Mararka qaar ayaa lasoo sheegaa in go’aanada dibada loo yeeriyo.

Tani oo ah hab-dhaqan ay ka siman yihiin hogaanka dalka soo maray kadib burburkii kuna jiro madaxda xilka haysa oo mar kale fursad heshay ayaa ka dhigan in midnimada laga door-biday dowlad qiyaali ah, waana sababaha dalka ka dhigtay meel aysan cidna lahayn oo u baylah cadaawaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM