Soomaaliya oo 61 jirsatay: Halganka, xanuunka iyo rajada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhab ahaantii 61 sano kahor maanta oo kale, Calanka buluuga ayaa laga taagay meelo badan oo ka mida Soomaaliya, iyadoo muwaadiniinta ay isugu soo baxeen jidadka si ay ugu dabaaldegaan xorriyadda ka dib markii Talyaanigu quustay oo uu ku noqday Rome, balse waxaa muuqanaya raadadkii uu reebay gumeysiga.

Fariimaha hambalyadda ayaa ka kala imaanaya qaar kamid ah saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kuwaas oo qaarkood si weyn u balanqaadaya xiriir qoto dheer, taageero joogto ah iyo iyo mid si gaar ahaaneed loo qadariyo.

Madaxweynaha xilka kasii dagaya Farmaajo oo jeediyey fariintiisa maalintan ayaa ammaanay geesi-yeeshii naftooda u huray aas-aasida Jamhuuriyadda, isaga oo jiilka hadda jira ku booriyey in ay ku daysadaan.

"Awoowayaasheen geesiyiinta ahaa ayaa xoreeyay dhulalkeena waxayna nagu xoreeyeen aaminaad buuxda oo ku saabsan awoodayada iyo weynaanta dhexdeena. Qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, marka aan u dabaaldegeyno Soomaaliya oo lixdan sano jirsatay waa in aan mideysanaa," ayuu yiri.

Xasilooni daradda Soomaaliya

Muddo tobanaan sano ah, Soomaaliya waxay la daalaadhaceysay xasillooni darro siyaasadeed oo inta badan khatar gelisa isdhexgalka qaran iyo wadajirka. Tan waxaa markhaati ka ah qaabkii xukunka looga tuuray kaligii taliyihii militariga ahaa ee Siyaad Barre oo maamulkiisa sidoo kale uu kusoo afjarmay dhiig daatay.

Maleeshiyo beeleedkii ayaa soo ifbaxay iyadoo kooxo kala duwan ay raadinayaan dariiqyo ay u maraan awooda, taasoo horseed u ah hadafka nabada ee hada socda kaasoo inta badan ay maal galiyaan jilayaasha dibada. Si kale haddii loo dhigo, Soomaaliya weligeed ma soo marin dowlad si dimoqraadi ah loo soo doortay iyada oo loo marayo hab qarsoodi ah.

Taa baddalkeeda, dalku wuxuu inta badan ku tiirsanaa doorashooyinka dadban oo inta badan ay hareeyeen laaluush-bixiyeyaasha codbixinta, dacaayadaha, iyo wax isdaba-marinta, taas oo dhabar jab ku ah guulaha yar ee ay gaareen daneeyayaasha. Doorashooyinka noocan oo kale ah ayaa inta badan mugdi iyo shaki la geliyaa.

"Lixdan iyo kow sano kaddib dalkeenna weli waa kala qaybsanyahay, argagexisaa dadkiisa gummaadaysa, ciidan ajnabi ahna gurmad ayuu ku joogaa, midnimo, gobannimo iyo wadajir weli lama hayo, waase la hiigsanayaa," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharaxa madaxwayne.

Wuxuu ku daray: "Dabaaldega 1da Luulyo caawa culays wayn ayaa dul hagoogan. Ilin iyo baroor waalidiin ubadkoodu maqan ayaa qubanaysa. Qalbiyo ayaa huraya. Madaxweynaha xilkiisa idlaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta ha u turaan waalidiinta. Waa waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah in ay waalidiinta qanciyaan oo ay ubadka maqan meel ku sheegaan. Walidiinta ayaan la duubanahay inta ay ubadkooda ka helayaan".

Khatarta Al-Shabaab

Cadawga guud ee dalku leeyahay waa Al-Shabaab laakiin isqabqabsiga ka dhex jira siyaasiyiinta iyo kalsoonida lagu qabo dadaalada beesha caalamka ayaa inta badan fursad siisa mintidiinta si ay usii wadaan afduubka dalka.

Ku dhowaad toban sano, Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo miyi ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa sare u qaaday ololaha ay ku doonayso inay ku rido dowladda Soomaaliya ee ay taageerto UN-ka. Xaaladaha badankood waxay saameeyeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo ciidamada amniga.

Kooxda ayaa wali lacago baad ah ka uruurisa magaalooyin dhowr ah oo istiraatiiji ah waxaana jira sheegashooyin wada shaqeyn qarsoodi ah oo ay la leeyihiin maamulka hada jira

Xaqiiqdii, waxaa jiray khasaaro badan oo soo gaarey dad rayid ah - laga soo bilaabo 2017 ilaa maanta - marka la barbardhigo toban sano ka hor markii kooxdu ay markii ugu horreysay soo ifbaxdey. Dhexgalkooda laamaha ammaanka ayaa ah mid laga naxo oo xitaa Qaramada Midoobay ay marar badan ka digtay arrintaas.

Si kastaba ha noqotee, waddanku wuxuu diiwaangeliyey horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab taas oo ay ugu wacan tahay taageerada lama-filaanka ah ee AMISOM, Mareykanka, Turkiga, UK, iyo quruumaha kale ee maal-galiyay milateriga dalka. Dhowr toddobaad ka hor, ciidamada XDS waxay ku guuleysteen inay dilaan in ka badan 300 maleeshiyada Al-Shabaab ah.

Doorashooyinka mustaqbalka

Dhowr bilood ka hor, ciidanku wuxuu u kala jabay labo, iyadoo badankood ay kacdoon kooban ka sameeyeen magaalada Muqdisho, iyagoo ku eedeynaya Farmaajo qorshe qarsoon oo uu doonayo inuu xukunka kusii joogo xitaa marka uu waqtigiisa dhammaado. Heshiis ayaa tan iyo markii la saxiixay laakiin tuhunada caadiga ah badanaa way jireen xitaa kadib markii la saxiixo heshiisyada noocaas ah.

Qeybta ugu wanaagsan ee maamulka Farmaajo, hogaamiyaasha mucaaradka waxay ka xumaadeen adeegsiga militariga si loo caburiyo iyaga ama howlahooda. Iyadda oo xiisada ay badanaa ku koobneyd Muqdisho, ficillada ciidamada Haramcad iyo kuwa Gor Gor oo Turkigu tababaray ayaa biyo kulul ku shubay colaada.

Laakiin horumarka ugu caansan waa heshiiskii la saxiixay 27-kii May, kaasoo hadda wadada u xaaraya in doorasho ay ka dhacdo dalka. Horraantii toddobaadkan, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ku hoggaamiyay daneeyayaasha kale sameynta jadwalka doorashooyinka dalka.

Sida ku xusan jadwalkaas, dalka waxaa qaban doonaa doorashada Aqalka Sare ugu dambeyn Luulyo 25. Intaas ka dib, Mudanayaasha waxaa la soo xulayaa ugu dambeyn 10-ka Sebtember ka hor inta aan la dooran madaxweyne 10-ka Oktoobar, tallaabadaas oo si wax ku ool ah u soo afjari doonta loolanka siyaasadeed.

Inkasta oo horumar wanaagsan tahay, haddana waxa jira qaylo-dhaan ka imaaneysa mucaaradka taasoo ah in doorashadu aanay noqon doonin mid xor iyo xalaal ah. Kooxdu waxay dabada ka riixaysay in meesha laga saaro tiro ka mid ah xubnaha guddiga doorashada ee la sheegay inay yihiin dharcadka hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madmadow soo wajahay qabsoomida shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu la kulmo waji-gabax siyaasadeed.

  • Maqaalo

    18-04-2024

  • 10:21AM

Xiisada Dastuurka oo laga digay in Soomaaliya ay ku celiso burburkii 1991-kii

Puntland ayaa ka gadoodey in ay badalka Dastuurka oo ay sameysay dowladda Xasan Sheekh.

  • Maqaalo

    08-04-2024

  • 08:27AM