Afar sabab oo keeni karta in Covid-19 uu dad badan ku laayo qaarada Afrika

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa saadaalisay in qaaradda Afrika ay adkaan doonto in dadku ay kaga badbaadaan fayruska safmareenka ah ee Corona, iyaddoo cuskaneyso afar sabab.

Warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in ku dhowaad 300,000 qof ay qaaradda ugu geeriyoon karaan caabuqaas sidda fudud u faafa.

Sababaha ay cuskaneyso waxaa kamid ah; qalab yari baahsan, baahi loo qabo dhakhaatiir badan, daawo yari iyo tababarkii loo baahnaa oo aan jirin.

Marka laga hadlayo qalabka caafimaadka, waxyaabaha aadka muhiimka u ah waxaa ugu horeeya mashiinka dadka howlgabka noqdey ka caawiya neefashadda ee afka qalaad loo yaqaano Ventilators.

Sidda ku xusan warbixinta WHO, qaaradda oo dhan waxaa taala laba kun xabo oo agabkaas ah, tiradaas oo ah mid aan ku filneyn.

Soomaaliya hal xabo xitaa ma haysato. Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa leh saddex; Suudaanta Koonfureed waa afar; Liberia waxay leedahay shan xabo. Nigeria oo dadkeedu yihiin laba dalool saddex meel oo ah shacabka Mareykanka ayaa haysata wax ka yar 100 xabo.

Mas'uuliyiin ayaa sheegay in tiradan ay isku bedeli karto kaalmo loo fidiyo. Shiinaha ayaa guud ahaan qaaradda ugu deeqay 500 xabo oo mashiinkaas ah, balse waxaa taagan baahi intaas kasii badan.

Wadamada haysta mashiinka waxay wajahayaan dhakhaatiir yari marka ay timaado daryeelka deg-deg ah, si lamid ah waxaa loo baahan yahay daawooyinka suuxinta marka ay bataan kiisaska.

Dhibaatooyinka jira waxaa kamid ah in ay qaaradda aad ugu hooseyso aqoonta loo leeyahay adeegsiga mashiinka oo u baahan tababar aad u badan, mana ahan shaqo uu hal qof qaban karo.

Marka laga soo tago agabka, caqabadaha kale ee qaaradu wajaheyso waxaa safka hore kaga jira tababarka iyo waaya aragnimadda caafimaad ee lagula dagaalami karo cudurka oo Afrika aan ka jirin.

Iyaddoo illaa iyo haatan aysan jirin cid isku hooshay in ay xaliso dhibaatadaan, waxaa sii kordhaya kiisaska iyo dhimashadda. Kaliya Jimcadii, waxaa lasoo wariyey in ka badan 19-kun oo kiis iyo kun dhimasho.

Sikastaba, mar walba oo sidda ugu dhaqsiyaha badan aan loo xalin mushkiladaha muuqda ee haatan jira, waxaa aad u sii kordheysa khatarta taas oo badin karta dhimashada, sidda ay sheegeen culimadda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM