Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Image
Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

ABU DHABI, UAE - Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa shalay booqday Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi, kaas oo lagu daweynayo Cisbitaalka Militariga ee Zayed, kadib dhaawacii kasoo gaaray weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dhowr ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Imaaraatka Carabta oo tababaro siinayay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah iskaashiga milateri ee labada dal.

Al Nahyan ayaa wax ka weydiiyay maamulka Cisbitaalka xaalada caafimaad ee Kabtan Al Nuaimi wuxuuna u rajeeyay soo kabasho degdeg ah, waxaana ay dhakhaatiirtu uga warbixiyeen halka ay marayso daweyntiisa.

Madaxweynaha waxa uu bogaadiyay niyad samida iyo niyadda gaarka ah ee ay leeyihiin xubnaha ciidamada dalkiisa, isaga oo qiray dedaalka, daacadnimada iyo hagar la’aanta ee ay ugu jiraan sare u qaadida sharafta iyo karaamada dalka.

Booqashadan ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan; Sheikh Mohammed bin Hamad bin Tahnoun Al Nahyan, Lataliyaha arrimaha gaarka ah ee Maxkamadda Madaxweynaha; Major General Sheikh Ahmed bin Tahnoun Al Nahyan oo ah ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka isu taga imaaraadka carabta iyo saraakiil sar sare iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM

Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

  • Wararka

    28-04-2024

  • 04:13AM