Aqalka Wakiilada Mareykanka oo diidey lacag ku socotay Israa'iil

Image
Sharcigan laba geesoodka ah ayaa sidoo kale waxaa deeq maaliyadeed loogu diri lahaa Ukraine.

WASHINGTON, USA - Aqalka Wakiiladda Mareykanka ayaa diiday hindise sharciyeed uu hogaaminayo Jamhuurigu kaas oo aduun lacageed gaaraya $17.6 bilyan oo gargaar ah lagu siinayo Israel.

Sharcigan laba geesoodka ah ayaa sidoo kale waxaa caawin doona Ukraine iyadda oo loogu talagalay wax lagu sheegay in lagu ilaaliyo amniga xuduudaha Mareykanka.

Codbixintii dhacdey Talaadadii ee sharciga Israa'iil, oo u baahneyd saddex-meelood laba meel codadka mudaneyaasha si loo hormariyo, ayaa si weyn u waxay u kala qeybisay labada xisbi.

Gargaarka loo dirayo maamulka Israa'iil - oo kamid ah kuwa ugu badan ee Maraykanka ku saacido dowladaha caalamka- ayaa sida caadada ah horey u helay taageero xooggan oo laba geesood ah.

Sikastaba ha ahaatee, isbedelkan yimid waqti-xaadirkan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadda oo qaar kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Mareykanka ay aad u diideen xasuuqa Yahuuda waddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM