Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Image

Bolu, Turkey – Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay, 51 qof kale oo dhaawacmay ka dib markii dab ka kacay hoteel caan ah oo ku yaal goob ski ah oo ku taalla gobolka Bolu ee dalka Turkey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkey, Ali Yerlikaya, ayaa u sheegay warbaahinta "waxaan ku jirnaa xanuun weyn" ka dib markii uu booqday goobta uu ka dhacay dabka ee hoteelka 12-dhismo ee Grand Kartal ee ku yaalla resort-ka Kartalkaya.

Yerlikaya ayaa xaqiijiyay in 66 qof ay geeriyoodeen, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Kemal Memisoglu uu sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah kuwa dhaawacmay uu xaalad adag ku jiro.

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

Labada dhibane ee ugu horreeyay ayaa geeriyooday kadib markii ay ka boodeen dhismaha iyagoo ku jira baqdin, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Abdulaziz Aydin ee la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Telefishinka gaarka ah ee NTV ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ay isku dayeen inay hoos ugu soo degaan qolalkooda iyagoo adeegsanaya jaakado iyo bustayaal. Waxaa hoteelka degganaa 234 marti, sida uu sheegay Aydin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM