Dad ku dhintay dhisme kusoo dumay jasiirad ku taala Mareykanka

Image

LONDON, UK - Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay soo duntay meel doonyaha ku xirtaan ay jasiiradda Sapelo ee dalka Mareykanka.

Dhacdadan ayaa laga soo wariyay iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen dabaaldeg, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waaxda Kheyraadka Dabiiciga ah ee Georgia (Georgia DNR), oo maamusha dekedda, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad ​​20 qof ay ku dhaceen biyaha markii dhismuhu dumay Sabtidii.

Dhacdadani waxa ay keentay in ay jawaab ka bixiyaan hay'ado badan oo gobolka iyo kuwa maxalliga ah. Doomo iyo diyaarado helikobter ah ayaa la geeyay howlgallada goobidda iyo samata bixinta.

Mas'uuliyiinta degaanka oo la hadlay warbaahinta maxaligaa h ee Mareykanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in wadada gangiska la sugay, islamarkaana shilka uu ku socdo baaritaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM