Daruuro Mugdi ah oo Dul Hoganaya Bariga Dhexe Kadib Xabbad-joojin Aan Adkeyn

Image
Sawirka: Reuters Qoysas badan oo ka soo jeeda koonfurta Lubnaan ayaa hadda ku nool waddooyinka Beyruut kaddib markii ay ka carareen duqeymaha cirka ee Israa’iil.

Waxaa la isku raacay xabbad-joojin dhex martay Israel iyo Hezbollah, taasoo si weyn looga dabaaldegay dalka Lebanon, halka shaki xooggan laga muujiyay gudaha Israel. Shacabka reer Lebanon ayaa ugu dambeyn rajeynaya deganaan iyo nabad kaddib bilo ay ku jireen duqeymo culus oo saameeyay caasimadda Beyruut iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Warbixino la helay ayaa sheegaya in ku dhawaad 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen dagaallada, iyadoo magaalooyin iyo tuulooyin badan ay burbursan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, ra’yi ururin degdeg ah oo laga sameeyay warbaahin Israel leedahay ayaa muujisay in kaliya 37% ka mid ah dadka reer Israel ay taageersan yihiin heshiiska. Xitaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Israel kuma midaysanayn heshiiskan.

Itamar Ben-Gvir, oo ah siyaasi xagjir ah, ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta “khalad taariikhi ah,” hase yeeshee, kuma uu hanjabin inuu xisbigooda ka saaro xukuumadda. Waxa uu ahaa shaqsigii kaliya ee diiday heshiiska xabbad-joojinta.

Haddaba, maxay yihiin waxyaabaha kuwa heshiiska dhaliilaya Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu sheegayaan? Qaar badan oo kamid ah dhaliilayaasha waxay ku cadaadinayeen Netanyahu inuu qaado tallaabooyin adag, sida ku sii jirista Gaza ama xitaa go’aaminta dhulalka Daanta Galbeed.

Welwelka ugu weyn ee ka jira gudaha Israel wuxuu ku saabsan yahay sida heshiiskan loo dhaqan gelin doono iyo in Hezbollah ay daacad ka noqon doonto fulinta shuruudaha lagu heshiiyey.

Si kastaba ha ahaatee, inta ay weli ku harsan yihiin maxaabiis ku jira Gaza, xaaladda bini’aadanimo ee halkaasna ay sii xumaaneyso iyadoo roobabka jiilaalka ay bilowdeen isla markaana gargaarkii uu yaraaday, daruuraha mugdiga leh ayaa weli dul hoganaya Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM