El-Sisi oo Markii ugu horeysay muddo 11 sano ah Erdogan ku qaabilay Qaahira

Image
Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay ku wada hadlaan Qasriga Itixaadiya

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Arbacadii booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar, muddo ka badan 11 sano ka dib, markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, taasoo qayb ka ah dadaallada la isugu soo dhawaynayo labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay ku wada hadlaan Qasriga Itixaadiya kadibna ay ku qabtaan shir jaraa’id.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigii la socday ay ku yimaadeen diyaarad gaar ah, waxaana qolka nasashada ee madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.

Booqashadan ayaa timid ka dib dadaallo dublamaasiyadeed iyo mid siyaasadeed ee labada dal ay sameeyeen sannadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo maanta ku dhammaaday in ay heshiis noqdaan labadaan dal oo muddo xurguf ka dhaxaysay.

Waxaana la sheegaya in uu jiro isku soo dhawaansho u dhexeeya madaxweyne El-Sisi iyo Erdogan oo doonayo in ay si wadajir uga hortagaan caqabadaha ay wadaagaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM

Iran oo sheegtay inay sii wadeyso Dagaalka "Illaa Guusha Laga Gaarayo" iyo Pakistan oo Dadaal Nabadeed Bilowday

Hadalka Sharif ayaa ku soo beegmay xilli weerarro culus ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo qiiq laga arkay bartamaha Tel Aviv.

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 02:34PM