Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Image

RAMALAH — Todobo saacadood kaddib marki ay Xamaas xoreysay saddex ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta, ayaa xalay saqdi dhexe kaddib xabsiyada Isra’il laga sii daayay ilaa 90 Falastiiniyiin ah.

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas, kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Mareykanka, Masar iyo Qatar.

Heshiiskan ayaa dhigaya in halki la heyste oo Isra’ili ah ay Xamaas ku baddalato sii deynta 30 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra’il, in xabbadda laga joojiyo Gaza, in gargaarka loo ogolaado Gaza iyo in ciidamada Isra’il ay billaabaan ka bixista Gaza.

Basas waday maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa xalay 1-di habeennimo kaddib gaaray magaalada Ramallah halkaas oo ay kumannaan Falastiiniyiin ah oo lulalay calanka Falastin iyo kan Xamas ay ku soo dhaweeyeen mashxarad iyo damaashaad.

Dhanka Isra’il, saddex ka mid ah la heystayaasha ayaa la midoobay qoysaskooda Axaddii shalay. Saddexda laheyste ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, laguna afduubtay xafladdii muusigga ee Nova, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo laga soo afduubay deegaanka Kibbutz Kfar Aza.

Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la heystayaasha, halka Isra’il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaa laga rajo qabaa in ay socoto muddo 42 maalin ah.

AP/REUTERS

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM