Hamas oo sii daysay maxaabiis xili Trump rabo inuu Falastiiniyiinta ka barakiciyo Gaza

Image

GAZA - Hamas ayaa sii daysay maanta saddex muwaadin Israeli ah oo ay ku haysay gudaha Gaza, iyagoo ku bedelatay 183 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo Israa’iil u xirxiran, waxayna 

Is-dhaafsigan, oo dhacay maanta, waa midkii shanaad ee la sameeyo tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Gaza, kaasoo u muuqda inuu noqday mid sii jilcaya, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo jeediyay qorshe uu ku qasbayo in Falastiiniyiinta laga saaro magaaladda.

Hamas iyo Israa’iil waxay xaqiijiyeen in saddex nin oo rayid ah – Eli Sharabi oo 52 jir ah, Or Levy oo 34 jir ah, iyo Ohad Ben Ami oo 56 jir ah – lasii daayay, iyadoo loo eegayo qeybta ugu horeysa ee heshiiska xabbad-joojinta, kaasoo socon doona ilaa bisha Maarso.

Maxaabiista ayaa lagu sii daayay munaasabad ka dhacday Deir el-Balah ee bartamaha Gaza, waxaana lagu wareejiyay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), oo labada dhinaca u kala wareejinaysa maxaabiista.

Sharabi iyo Ben Ami waxaa lagu qabtay kibbutz Be’eri, oo ah deegaan beereed Koonfurta Israa'iil ku yaalla, oo Hamas weerar ku qaaday 7-dii Oktoobar 2023, taasoo lagu dilay qiyaastii 1,200 qof iyo 250 oo la qafaashay. Levy waxaa lagu qafaashay xafladda muusiga ee Nova.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM