Haweeney si cajiib ah uga badbaadey dil toogasho lagu xukumay 2010-kii

Image
Mary Jane Veloso ayaa xukunkan loogu riday in ay qadatay maandooriyaha Heroin-ka.

LONDON, UK - Haweeney u dhalatay waddanka Filibiin oo ku dhawaad ​​15 sano kahor lagu riday xukun dil ah ayaa waxau ugu dambeyn gurigeeda ku soo laabatay.

Mary Jane Veloso ayaa lagu xukumay dil sannadkii 2010-kii ka dib markii lagu helay iyadoo wadata 2.6kg (5.7lb) oo maandooriyaha Heroin ah iyadoo dhex maraysay madaarka Indonesia.

Laakiin hooyadeeda 39-jirka ah ee leh laba carruur ah ayaa had iyo jeer ku adkaysan jirtay in lagu siray inay qaadato daroogada ayna mar walba ka taagneyd fagaaraha maxkamadda.

Arbacada maanta ah ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Manila, kadib markii labada dowladood ay gaareen heshiis u ogolaanaya inay ku laabato dalkeeda.

Kiiska Ms Veloso ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha ee Filibiin, kaas oo aan lahayn ciqaab dil ah, waxayna qaar sheegeen in cadaalad buuxda ay heshay Veloso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM