Imaaraadka oo 5 milyan oo doolar u qoondeeyay gargaarka Shacabka Qasa

Image
Gargaarkan ayaa laga golleeyahay in lagu taageero dadaallada Qaramada Midoobay ee dib u dhiska Qasa.

Abu Dhabi (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ku dhawaaqay in loo qoondeeyay 5 milyan oo doolar si loogu taageero dadaallada Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo dib u dhiska Qasa.

Bin Zayed waxa uu carabka ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay aad u jecel yihiin inay taageeraan howlaha bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ay ka wado Marinka Qasa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa ay taageereyso dadaallada Sigrid Kaag oo ah xariiriyaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada iyo dib u dhiska Qasa, si sare loogu qaado gurmadka degdega ah ee lagu daboolaya baahiyaha Shacabka Qasa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa kal hore kala hadlay hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga dalka Falastiin ee UNRWA, Philippe Lazzarini, sidii ay hay’addu uga taageeri lahayd sii wadista howlgallada ay ka waddo Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM