Imran Khan oo 7-Sano loo xirayo guur sharci darro ah

Image
Xukunkan ayaa ku yimid dacwad uu gudbiyay ninkii hore ee Bushra, Khawar Farid Manyika.

Islamabad (GO) - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa maanta ra'iisul wasaarihii hore Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi, ku xukuntay 7 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay “guur sharci darro ah”.

Warbaahinta Pakistan oo kiiskan soo bandhigtay ayaa sheegtay in xukunkan uu ku yimid dacwad uu gudbiyay ninkii hore ee Bushra, Khawar Farid Manyika.

Sidoo kale, maxkamad ku taal Pakistan ayaa Imran Khan ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi, iyaga oo lagu eedeeyay inay faafiyeen sir qaran.

Sannadkii hore, Pakistan waxa ka dhacay mudaaharaadyo rabshado wata oo dalkaas gilgilay, iyadoo taageerayaasha Imran Khan ay ka caroodeen markii loo xiray kiis musuqmaasuq, waxayna weerar ku qaadeen xarumaha dowladda iyo ciidammada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM