Imran Khan oo 7-Sano loo xirayo guur sharci darro ah

Image
Xukunkan ayaa ku yimid dacwad uu gudbiyay ninkii hore ee Bushra, Khawar Farid Manyika.

Islamabad (GO) - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa maanta ra'iisul wasaarihii hore Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi, ku xukuntay 7 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay “guur sharci darro ah”.

Warbaahinta Pakistan oo kiiskan soo bandhigtay ayaa sheegtay in xukunkan uu ku yimid dacwad uu gudbiyay ninkii hore ee Bushra, Khawar Farid Manyika.

Sidoo kale, maxkamad ku taal Pakistan ayaa Imran Khan ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi, iyaga oo lagu eedeeyay inay faafiyeen sir qaran.

Sannadkii hore, Pakistan waxa ka dhacay mudaaharaadyo rabshado wata oo dalkaas gilgilay, iyadoo taageerayaasha Imran Khan ay ka caroodeen markii loo xiray kiis musuqmaasuq, waxayna weerar ku qaadeen xarumaha dowladda iyo ciidammada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM