Ingiriiska oo ku cadaadinaya Ukraine inay joojiyaan dagaalka oo ay la wadahadlaan Ruuskha

Image
Dublamaasiyiin Ingiriis ah ayaa ku qasbi doona Ukraine inay wadaxaajood la gasho Ruushka

KIEV (GO) - Wargeyska “Daily Express” ayaa sheegay in dublamaasiyiin Ingiriis ah ay isku diyaarinayaan inay ku qasbaan Ukraine inay wada xaajood la gasho Ruushka si loo soo afjaro dagaalka hadda socda.

Maqaalka ayaa ku qoran: "Weerarkii ugu weynaa ee ay soo qaadday Ukraine ma aysan ka gaarin guushii la filayey, taas oo shaki gelisay awoodda maamulka Kiev ay ugu guuleyan karaan ​​​​dagaalkan”.

Waxaa intaas lagu daray: “Hadda waxaa jira hadallo diblomaasiyadeed oo ku saabsan in la cadaadiyo maamulka Kiev laguna khasbo inay farriisato miiska wadahadalka.”

Wargeysku wuxuu tilmaamay cadaadiska sii kordhaya ee Vladimir Zelensky, oo ciidankiisu ay la il daran yihiin dib u dhac, isagoo laftiisa wajahaya dhaleecayn fara badan oo gudaha dalka ah.

General Charles Brown, oo ah taliyaha Ciidamada Isku dhafka ah ee Mareykanka, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madasha Difaaca Qaranka ee Reagan ku sheegay in dagaalka Ukraine uusan ku dhammaan doonin qaab militari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM