Israa'iil oo duqeymo culus ka fulisay magaalada Rafah

Image
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay qaadeen weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Rafah.

Qasa (GO) - Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warantay in khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee Koonfurta Marinka Qasa ay gaartay in ka badan 100-qof oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay in tiro meydad ah ay soo gaareen cisbitaalka Yurub ee ku yaala magaalada Khan Yuunis oo u dhaw magaalada Rafah ee koonfurta marinka Qasa.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay qaadeen mowjado weeraro ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Rafah, kuwaas oo sababay in uu qiiq kor u kaco, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Weeraradan ayaa lala beegsaday lix guri iyo labo masaajid, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo goob-joogayaal Falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM