Israa'iil oo gudaha geli doonta magaalada Rafah oo ay ku sugan yihiin hal Milyan oo barakacayaal ah

Image
Wuxuu ballan qaaday in dadka dadka rayidka ah si nabad ah looga saari doono magaalada.

Qasa (GO) - Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israa’iil ay gudaha u geli doonaan magaalada Rafah ee Marinka Qasa, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay dammaanad qaadi doonaan "meel ammaan ah" oo ay maraan dadka rayidka ah ka hor weerarka la filayo in lagu qaado magaalada.

Wuxuu intaasi ku daray: "Waxaan burburin doonnaa guutooyinkii ugu dambeeyay ee argagixisada XMS ee ku sugan Rafah, oo ah meesha ugu dambeysa ee xoogga ku leeyihiin.”

"Waxaan samayn doonaa tan annagoo hubinayna inay waxyeello soo gaarin dadka shacabka ah, waxaana ka shaqaynaynaa sidii aanu u samayn lahayn qorshe faahfaahsan oo aanu arrintan ku gaari karno” Ayuu raaciyay.

Netanyahu wuxuu sheegay in aagagga waqooyiga Rafah laga saaray XMS isla markaasina loo isticmaali karo waddooyin oo ay Shacabka magaalada Rafah si nabad ah uga soo baxaan.

Netanyahu ayaa u jawaabay dadka ka walaacsan masiirka dadka rayidka ah haddii ay dhacdo weerar lagu qaado Rafah, isagoo yiri, "Kuwa dhahaya waa inaan waligeen Rafah gudaha u galin waxay runtii noo sheegayaan inaan isdhiibno oo ay XMS ku guuleysato dagaalka”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Iran oo Su’aal Geliyay Awoodda Mareykanka ee Ka Hortagga khataraha Shiinaha iyo Ruushka

Hub kale oo sax ah iyo gantaallo hagitaan leh ayaa sidoo kale si weyn loo isticmaalay intii uu socday dagaalka Iran.

  • Caalamka

    29-08-2026

  • 05:52AM

Dagaalkii Iran oo hoos u dhigay kaydka gantaallada Patriot ee Mareykanka

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in awoodda difaaca ay xitaa xaddidnaan lahayd haddii Ruushku qaado hal weerar oo noocaas ah.

  • Caalamka

    27-08-2026

  • 04:33PM