Israa'iil oo ku eedaysay XMS in ay maandooriyeen maxaabiista si ay farxad uga muuqato

Image
Israa'iil ayaa inta badan saameyn kuleh warbaahinta reer galbeedka.

QUDUS (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Israa'iil ayaa sheegtay Talaadadii in "Dagaalyahannada Xamaas ay maxaabiista siiyeen dawooyin inta aysan siideyn si ay u muuqdaan kuwo faraxsan.

Dr. Ronit Endwalt, oo ah Agaasimaha Waaxda Nafaqeynta ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in Hamas ay siisay dadka la afduubay dawooyin maskaxda lagu dejiyo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan.

Madaxa guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Israa’iil Yoni Masreqi, ayaa sidoo kale yiri: “Wasaaradda caafimaadku waa in ay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijada baaritaankan gaarsiisaa hay’adaha caafimaadka ee adduunka.”

Dhanka kale, wargeyska “Haaretz” ayaa warbixin uu soo saaray ku yiri, “Xamas waxay maxaabiista Israa’iil siisay daroogo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan marka la sii daayo!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM