Israa'iil oo ku eedaysay XMS in ay maandooriyeen maxaabiista si ay farxad uga muuqato

Image
Israa'iil ayaa inta badan saameyn kuleh warbaahinta reer galbeedka.

QUDUS (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Israa'iil ayaa sheegtay Talaadadii in "Dagaalyahannada Xamaas ay maxaabiista siiyeen dawooyin inta aysan siideyn si ay u muuqdaan kuwo faraxsan.

Dr. Ronit Endwalt, oo ah Agaasimaha Waaxda Nafaqeynta ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in Hamas ay siisay dadka la afduubay dawooyin maskaxda lagu dejiyo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan.

Madaxa guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Israa’iil Yoni Masreqi, ayaa sidoo kale yiri: “Wasaaradda caafimaadku waa in ay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijada baaritaankan gaarsiisaa hay’adaha caafimaadka ee adduunka.”

Dhanka kale, wargeyska “Haaretz” ayaa warbixin uu soo saaray ku yiri, “Xamas waxay maxaabiista Israa’iil siisay daroogo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan marka la sii daayo!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM