Israa'iil oo ku eedaysay XMS in ay maandooriyeen maxaabiista si ay ugu muuqato "farxad

Image

QUDUS (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Israa'iil ayaa sheegtay Talaadadii in "Dagaalyahannada Xamaas ay maxaabiista siiyeen dawooyin inta aysan siideyn si ay u muuqdaan kuwo faraxsan.

Dr. Ronit Endwalt, oo ah Agaasimaha Waaxda Nafaqeynta ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in Hamas ay siisay dadka la afduubay dawooyin maskaxda lagu dejiyo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan.

Madaxa guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Israa’iil Yoni Masreqi, ayaa sidoo kale yiri “Wasaaradda caafimaadku waa in ay warbixin tifaftiran u daabacdaa hay’adaha caafimaadka ee adduunka oo ku saabsan natiijada baariraankan ee la ogaaday.”

Dhanka kale, wargeyska “Haaretz” ayaa warbixin uu soo saaray ku yiri, “Xamas waxay maxaabiista Israa’iil siisay daroogo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan marka la sii daayo!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM