Israa'iil oo ku eedaysay XMS in ay maandooriyeen maxaabiista si ay ugu muuqato "farxad

Image

QUDUS (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Israa'iil ayaa sheegtay Talaadadii in "Dagaalyahannada Xamaas ay maxaabiista siiyeen dawooyin inta aysan siideyn si ay u muuqdaan kuwo faraxsan.

Dr. Ronit Endwalt, oo ah Agaasimaha Waaxda Nafaqeynta ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in Hamas ay siisay dadka la afduubay dawooyin maskaxda lagu dejiyo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan.

Madaxa guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Israa’iil Yoni Masreqi, ayaa sidoo kale yiri “Wasaaradda caafimaadku waa in ay warbixin tifaftiran u daabacdaa hay’adaha caafimaadka ee adduunka oo ku saabsan natiijada baariraankan ee la ogaaday.”

Dhanka kale, wargeyska “Haaretz” ayaa warbixin uu soo saaray ku yiri, “Xamas waxay maxaabiista Israa’iil siisay daroogo si ay ugu muuqdaan kuwo faraxsan marka la sii daayo!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM