Joe Biden oo sheegay in xabad-joojin laga sameynayo Gaza

Image
Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo Israa'iil ay sii waddo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warfidiyeenka u sheegay faallo kooban oo ah in uu rajaynayo "Isniinta soo socota waxaan sameyn doonnaa xabbad joojin".

Biden oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: "Lataliyahayga Amniga Qaranka wuxuu ii sheegaa in aan isku dhow nahay, dhownahay laakiin aan weli la sameyn."

Dhanka kale, Dhakhaatiirta cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa dhulka ku daweynaya dhibanayaasha kadib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad gargaar sugayay.

Geesta kale, Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qabatay maalintii ugu dambeysay ee dhageysiga dacwadda lagu baarayo sharcinimada qabsashada Israa’iil ee tobannaan sano ka badan dhulka Falastiin.

Konton waddan iyo saddex hay'adood oo caalami ah ayaa ka hadlay maxkamadda, iyadoo intooda badan ay ku baaqeen in qabsashada Israa'iil lagu sheego sharci-darro iyo in la joojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM